top of page

Xildhibaan Odowaa Oo Iska Casilay Xisbiga Madaxweynaha, Bannaankana Keenay Eedaymo Culus

Saaxadda siyaasadda ee dalka Soomaaliya ayaa maanta wajahday dhulgariir siyaasadeed kadib markii Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xoghayaha Guud iyo xubinnimadii xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Go'aankan ayaa bannaanka soo dhigay khilaaf in muddo ah huursanaa oo u dhexeeyay xildhibaanka iyo guddoomiyaha xisbiga, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.


Xildhibaan Odowaa oo in ka badan toban sano ka mid ahaa saaxiibada iyo la-taliyeyaasha ugu dhow ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iscasilaaddiisa u sababeeyay kala aragti duwanaansho qotodheer oo la xidhiidha hannaanka maamul ee dalka iyo kan xisbiga. Bixitaanka Odowaa ayaa loo arkaa jug culus oo soo gaadhay xeryaha siyaasadeed ee Madaxweynaha xilli dalku uu marayo marxalad xasaasi ah oo ay hareeyeen murano dastuuri ah.



MP Abdirahman Odowaa quits as Secretary General of the ruling JSP party.

Qoraal rasmi ah oo uu warbaahinta la wadaagay 25 kii March ee 2026, ayuu Xildhibaan Odowaa ku faahfaahiyay shanta qodob ee asaasiga u ah burburka isbahaysigoodii siyaasadeed ee muddada dheer soo jiray:


1. Awood Isku Koobid Iyo Talo Diidmo

Xildhibaanka ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu taladii dalka iyo tii xisbigaba ka dhigay mid isaga ka bilaabata kuna dhammaata. Wuxuu xusay in madaxweynuhu diiday in uu tixgeliyo ra'yiga ka duwan kiisa, isla markaana uu iska indhatiray wada-tashigii kooxdiisa siyaasadeed iyo talooyinkii hay'adaha kala duwan ee dawladda.


2. Ajandaha Wax Ka Beddelka Dastuurka

Odowaa ayaa sheegay in uu isku dayay in uu madaxweynaha ka weeciyo hannaanka hal dhinaclaha ah ee loo maray wax ka beddelka dastuurka dalka oo xiisad siyaasadeed ka riday dalka. Wuxuu tilmaamay in hannaankaasi uu ahaa mid kala fogeynaya ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in la saxo qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi'da federaalka ee uu dastuurku ku qotomo.


3. Hannaanka Doorashooyinka Iyo Xakamaynta Natiijada

Sida laga soo xigtay bayaanka xildhibaanka, labada masuul ayaa isku fahmi waayay nidaamka doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ku adkaystay samaynta nidaam doorasho oo uu isagu xakamayn karo natiijadiisa, halka Odowaa uu aaminsan yahay in doorashadu ay noqoto mid ay heshiis ku yihiin dhammaan saamilayda siyaasaddu. Odowaa ayaa xusay in dalka oo ah mid nugul uu u baahan yahay wadar-ogol si looga fogaado colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda.


4. Burburinta Nidaamka Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada

Mid ka mid ah eedaymaha ugu culus ee uu Odowaa jeediyay ayaa ah in madaxweynuhu uu bilaabay olole uu ku burburinayo dawlad goboleedyada dalka. Wuxuu qodobkan ku sifeeyay fal dhaawacaya dawladnimada, maadaama maamul goboleedyadu ay yihiin astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.


5. Xannibaadda Safarrada Iyo Xadgudubka Xasaanadda

Xildhibaanka ayaa si adag uga dhiidhiyay xannibaadaha soo noqnoqday ee lagula kacay muwaadiniinta iyo xildhibaannada qaranka ee leh xasaanadda dastuuriga ah. Wuxuu falkan ku tilmaamay gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka, iyo meel ka dhac ku ah karaamada aadanaha.


Xildhibaan Odowaa ayaa gunaanadkii qoraalkiisa ku caddeeyay in wixii maanta ka dambeeya uu abbaari doono jiho siyaasadeed oo gabi ahaanba ka duwan tii uu muddada dheer ku soo jiray. Wuxuu ballanqaaday in uu guntiga u xidhan doono sidii uu bahwadaag ula noqon lahaa cid kasta oo ay ka midoobi karaan mabaadi'da Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada qaranka.


Iscasilaaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, taas oo sii kala fogaysay xukuumadda federaalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada. Go'aanka Xildhibaan Odowaa ayaa si weyn looga dareemay fagaarayaasha siyaasadda, waxaana la filayaa in uu isbeddel horleh ku keeno shaxda mucaaradnimada ee xilligan ka hanaqaadaysa magaalada Muqdisho.

bottom of page