top of page

Mikrobalaastigs: Halista Qarsoon ee Nolosheena Ku Dhex Jirta

Iyadoo isticmaalka balaastigga iyo agabka caaga ka samaysan uu si weyn ugu badan yahay nolol-maalmeedka Somaliland, mikrobalaastigs-ku waxay noqdeen khatar qarsoon oo si tartiib ah u saameynaysa caafimaadka dadka iyo badqabka deegaanka, iyada oo aan si buuxda loo dareensanayn.

Sanadihii u dambeeyay, dunidu waxay si isa soo taraysa u bilaabaysay inay ka warqabto khatar cusub oo aan indhaha lagu arki karin balse si joogto ah u saameynaysa caafimaadkeenna iyo deegaanka: mikrobalaastigs. Waa qaybo aad u yaryar oo balaastig ah—qaarkood ka yar 5 millimitir—kuwaas oo ka dhasha burburka balaastigga iyo caagadaha ama si toos ah loogu sameeyo badeecooyin warshadaysan. In kasta oo ay aad u yar yihiin, haddana saamayntoodu waa mid weyn, gaar ahaan bulshooyinka isticmaalka balaastiggu ku badan yahay sida Somaliland.



Mikrobalaastigs-ku kama yimaadaan meel fog ; waxay ka dhashaan waxyaabaha aan maalin kasta isticmaalno. Dhalooyinka biyaha iyo cabitaannada fudud (sida soda), bacaha lagu iibiyo caanaha cusub (caanaha geel ama lo’da), bacaha lagu iibiyo cuntooyinka waddaniga ah (digir, faracad, sareen), iyo xitaa bacaha lagu qaado cuntada—dhammaantood waa ilo suurtagal uga dhigaya microbalaastigs-ki inay saameeyaan nolosheena. Marka balaastigga ama agabka caag ka samaysan la kulmo kulayl, qorrax, ama cadaadis, wuxuu bilaabaa inuu burburo, isagoo sii daaya qaybo yaryar oo ku milma biyaha, cuntada, iyo hawada.


Cilmi-baarisyo caalami ah ayaa muujiyay in mikrobalaastigs laga helay biyaha macaan iyo kuwo badda, hawada aan neefsanno, iyo xitaa dhiigga bini’aadamka. Tani micnaheedu waa in aanan ka fogaan karin mikrobalaastigs; waa wax aan si joogto ah u liqno, u neefsanno, ama u taabanno. Inkasta oo saynisku weli baadhayo dhammaan saameyntooda muddada dheer, haddana waxaa durba la ogaaday in mikrobalaastigs ay qaadi karaan kiimikooyin sun ah iyo jeermisyo kale oo waxyeello u leh jidhka.


Dhanka caafimaadka, mikrobalaastigs waxaa lala xiriiriyay dhibaatooyin kala duwan. Qaar ka mid ah cilmi-baadhisyadu waxay tilmaamayaan in ay carqaladeyn karaan nidaamka hormoonnada (endocrine system), taas oo saameyn karta taranka, koritaanka carruurta, iyo caafimaadka guud. Waxa kale oo jira walaac ah in mikrobalaastigs-ku ay sababi karaan caabuq joogto ah (chronic inflammation), dhaawac unugyada, iyo kordhinta khatarta cudurrada qaar. In kasta oo caddayntu wali socoto, haddana halistu waa mid dhab ah oo u baahan feejignaan.



Xagga deegaanka, mikrobalaastigs waa uu masiibo aamusan. Marka bacaha, dhalooyinka, iyo alaabta kale ee balaastigga ah lagu tuuro dhulka ama badda, ma baaba’aan; waxay u kala jajabaan qaybo yaryar oo ku milma ciidda iyo biyaha. Xoolaha, kalluunka, iyo shimbiraha ayaa liqa mikrobalaastigs, taas oo silsiladda cuntada ka dhigaysa mid wasakhaysan. Ugu dambayn, mikroplastiks-ka ay xooluhu ama kalluunka cunaan ayaa ku soo noqda miiskeenna.


Xaaladda Somaliland, arrintu waxay leedahay gaar ahaansho u baahan in si cad loo tilmaamo. Isticmaalka balaastigga ayaa aad u sarreeya, halka nidaamyo adag oo dib-u-warshadayn (recycling) ah ay aad u yar yihiin ama aan jirin. Caanaha dhayda ah ee lagu iibiyo bacaha , biyaha iyo cabitaannada lagu iibiyo dhalooyinka caagga ah, iyo cuntooyinka lagu iibiyo bacaha miikada ah—dhammaantood waxay kordhiyaan khatarta mikrobalaastigs, gaar ahaan marka la tixgeliyo kulaylka joogtada ah iyo qorraxda kulul ee dalka.


Haddaba, maxaa la gudboon bulshada? Talaabada koowaad waa wacyigelin. Fahamka waxa mikrobalaastigs yihiin iyo halka ay ka yimaadaan waa furaha isbeddelka. Talaabada labaad waa yareynta isticmaalka balaastiggaĀ marka ay suurtagal tahay: isticmaal weelal bir ama galaas ah, ka fogow kululaynta cuntada ama cabitaanka ku jira balaastig, kana dooro bacaha dabiiciga ah ama maro. Sidoo kale, dhiirrigelinta ganacsatada inay adeegsadaan baakado ammaan ah iyo lagu cadaadiyo siyaasado ilaalinaya deegaanka waa arrimmo lama huraan ah.


Gunnaad

Mikrobalaastigs ma aha dhibaato mustaqbalka fog inoo taalla; waa khatar maanta nala joogta. Inkasta oo ay yihiin kuwo aan indhaha lagu arki karin, haddana saamayntoodu waa mid si qoto dheer u taabanaysa caafimaadkeenna, deegaankeenna, iyo jiilasha imanaya. Somaliland, sida dalal badan oo kale, waxay u baahan tahay wacyigelin, siyaasad, iyo isbeddel dhaqan oo lagu yareynayo halistan qarsoon—si nolosha maanta loo ilaaliyo, berritana looga badbaado.


bottom of page