top of page

Sheekh Maxamed Binu Zayed oo la Kulmay Xildhibaano Maraykan ah: Abu Dhabi oo Ka Dhex Muuqata Loollanka Gobolka

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Zayed Al Nahyan ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Golaha Koongareeska Maraykanka oo uu hoggaaminayo Senator Lindsay Graham, xilli xiisadaha Qasa iyo isu diyaarinta shir nabadeed oo heer caalami ah ay kor u kacayaan, isla markaana ay jiraan warar been abuur ah oo la xidhiidha xaaladdiisa caafimaad iyo diidmada booqasho ka timid Ankara.


Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Zayed Al Nahyan ayaa magaalada Abu Dhabi ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Golaha Koongareeska Maraykanka, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid dalkaas. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, xaaladda amni ee Bariga Dhexe iyo mustaqbalka marinka Qasa, xilli berri si rasmi ah loo bilaabayo wada shaqeynta Golaha Nabadda Adduunka oo ay ku jiraan Imaaraadka, Sucuudiga, Turkiga iyo Qatar.


Wafdiga Maraykanka waxaa ka mid ahaa Senator Lindsay Graham, oo ah siyaasi Jamhuuri ah oo muddo dheer ka tirsan Koongareeska isla markaana caan ku ah taageerada joogtada ah ee uu siiyo Israel. Graham waxaa lagu tiriyaa xubnaha ugu saameynta badan siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, isaga oo si cad u taageera adkeynta mowqifka Washington ee ku aaddan Iran iyo amniga Israel.


 Sheikh Mohamed Binu Zayed and Lindsay Graham

Senator Graham sidoo kale wuxuu hore uga hadlay arrinta Somaliland, isagoo muujiyay xiise ku saabsan aqoonsigeeda iyo doorka ay ka ciyaari karto amniga gobolka. Sannadihii u dambeeyay, madaxa shaqaalaha xafiiskiisa ayaa booqday Somaliland isaga oo la socday wafdi metelayay xubno ka tirsan Koongareeska Maraykanka, taas oo muujinaysa in arrimaha Geeska Afrika ay si gaar ah uga mid yihiin ajendaha siyaasadda qaar ka mid ah xildhibaanada Maraykanka.


Kulanka Abu Dhabi ayaa ku soo beegmaya xilli si weyn looga hadal hayo xaaladda Qasa iyo dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda ka taagan halkaas. Imaaraadka ayaa isku dayaya inuu noqdo dal dhexdhexaad ka ciyaara doorka diblomaasiyadeed, iyadoo xidhiidh dhow uu la leeyahay Washington isla markaana uu ka mid yahay dalalka Carabta ee xiriirka la leh Israel.


Dhanka kale, kulankan wuxuu imanayaa kadib markii warbaahinta gobolka ay tabisay in Madaxweynaha Imaaraadka uu diiday booqasho la sheegay inuu ku talo jiray Madaxweynaha Turkiga Rejeb Dayyib Erdogan. Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa ku faafay baraha bulshada, kuwaas oo la xidhiidhayay xaaladdiisa caafimaad iyo xitaa xan ku saabsan geeridiisa, inkasta oo xukuumadda Abu Dhabi aysan wax war ah ka soo saarin arrimahaas.


Xaaladdan oo dhan ayaa ka dhigaysa Imaaraadka mid ku jira marxalad xasaasi ah oo ay ku kulmaan loollanka quwadaha gobolka iyo danaha caalamiga ah. Kulanka Sheekh Maxamed Binu Zayed iyo xubnaha Koongareeska Maraykanka wuxuu muujinayaa in Abu Dhabi ay weli si dhow ula shaqeyneyso Washington, isla markaana ay dooneyso inay door muuqda ka qaadato dejinta khilaafaadka Bariga Dhexe.


Iyadoo berri la filayo in la bilaabo wada shaqeynta Golaha Nabadda Adduunka, indhaha caalamka ayaa ku sii jeeda Abu Dhabi si loo arko doorka uu Imaaraadku ka qaadan doono isku dayga lagu dejinayo xiisadaha sii kordhaya ee gobolka.

bottom of page