Madaxweyne Cirro Oo Kulammo Istiraatiiji Ah Ku Yeeshay Davos
- Hassan Gallaydh

- Jan 22
- 2 min read
Madaxweyne Cirro ayaa Davos ka bilaabay olole diblumaasiyadeed oo heer caalami ah, isaga oo xoojinaya aqoonsi-raadinta Somaliland isla markaana soo bandhigaya fursadaha maalgashi ee dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) ee ka socda magaalada Davos ee dalka Switzerland, ayaa halkaas ka waday kulammo istiraatiiji ah oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha dunida, maalqabeenno caalami ah, iyo shakhsiyaad saameyn weyn ku leh go’aannada siyaasadeed iyo dhaqaale ee reer Galbeedka iyo Bariga Dhexe.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, madaxweyne Cirro waxa uu kulammo gaar gaar ah la qaatay madaxweynayaal, raysal-wasaarayaal, hoggaamiyeyaasha shirkadaha waaweyn, iyo shaqsiyaad si dhow ula xidhiidha xarumaha awoodda caalamka. Kulammadan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, kaalinta istiraatiijiga ah ee ay ku leedahay Geeska Afrika, iyo fursadaha dhaqaale ee ka bannaan dalka.
Madaxweynuhu waxa uu madaxda uu la kulmay u caddeeyey in Somaliland tahay dalkii ugu dambeeyey ee ku soo biira nidaamka dawladnimo ee caalamka, isla markaana muddo ka badan soddon sano dhistay nabad, hay’ado shaqeeya, iyo nidaam dimuqraadi ah. Waxa uu si gaar ah u mahadceliyey Raysal-wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isaga oo ku tilmaamay go’aankii Israa’iil ee ay ku aqoonsatay Somaliland mid geesinimo leh oo jebiyey xayndaabkii diblumaasiyadeed ee muddada dheer jiray.
Intii ay kulammadu socdeen, waxa si qoto dheer loo lafa-guray maalgashiga Somaliland iyo fursadaha ballaadhan ee ka jira dhinacyada dekedaha, khayraadka dabiiciga ah, beeraha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland ay doonayso in khayraadkeeda looga faa’iidaysto si hufan, loona abuuro iskaashi waara oo faa’iido u leh labada dhinac.
Waxaa sidoo kale la xusay in dalalka Maraykanka iyo Israa’iil ay taageero muuqata u muujiyeen ka-qaybgalka Somaliland ee madalaha caalamiga ah, taas oo suurto gelisay in Somaliland hadda kadib loola oggolaado joogitaan rasmi ah shirarka waaweyn ee caalamka. Tallaabadan ayaa si weyn u kor u qaadaysa meeqaamka dawladnimo ee Somaliland iyo fursadaha ay u leedahay aqoonsi buuxa.
La kulankii madaxweynaha Somaliland la yeeshay Eric Trump, wiilka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa si gaar ah loo eegay. Kulankan waxaa loo arkaa calaamad muujinaysa isu-soo-dhowaansho istiraatiiji ah oo ka dhexeeya Somaliland iyo xarumaha awoodda ee Aqalka Cad, isla markaana muujinaysa in qaddiyadda Somaliland ay gaadhay heer ay ka dhex muuqato quwadaha caalamiga ah.
Somaliland ayaa sidoo kale loo ballanqaaday in ay fursado joogto ah ka heli doonto madalaha caalamiga ah si ay u soo bandhigto aragtideeda, qaddiyaddeeda, iyo qorshayaasheeda horumarineed—arrin si weyn u xoojinaysa dadaallada diblumaasiyadeed ee ay waddo.
Dhanka kale, madaxweyne Cirro oo wax laga weydiiyey fursadaha maalgashi ee ka bannaan Somaliland intii uu ku sugnaa Davos, ayaa sheegay in Somaliland tahay goob la maalgelin karo, lagu kalsoonaan karo, lana isku hallayn karo. Waxa uu tusaale u soo qaatay maalgashigii ballaadhnaa ee shirkadda DP World ku samaysay dekedda Berbera sannadkii 2016, kaas oo uu ku tilmaamay tusaale cad oo muujinaya kalsoonida ay maalgashadayaashu ku qabaan Somaliland.
Ugu dambayntii, madaxweyne Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyey in Somaliland iyo DP World ay si wada jir ah uga shaqaynayaan kobcinta dekedaha Somaliland si ay ugu adeegaan suuqyada dalka Ethiopia iyo guud ahaan dalalka Afrika ee aan badda lahayn, isaga oo xusay in arrintani ay Somaliland ka dhigayso xudun ganacsi iyo marin istiraatiiji ah oo u adeegta gobolka oo dhan.



