Iiraan Oo Daaha Ka Rogtay Xidhiidhka Ay La Leedahay Maraykanka Xilli Xiisaddu Meel Adag Marayso
- Hassan Gallaydh

- Apr 1
- 3 min read
Xilli dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil uu galay marxalad xasaasi ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabaas Araghchi (Abbas Araghchi), ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay fariimo toos ah isweydaarsato wakiilka gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump. In kasta oo xidhiidhkaasi jiro, Tehraan ayaa gabi ahaanba meesha ka saartay in ay ku jirto wada-hadallo rasmi ah oo ay la leedahay Washington.
Iftiimintan ayaa imanaysa xilli Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth uu si adag u sheegay in Maraykanku uu "bambooyin ku wada-xaajoonayo" si uu Iiraan ugu qasbo heshiis nabadeed ama ay wajahdo weeraro horleh oo la ballaadhiyay.

Xidhiidhka Tooska Ah Balse Wada-hadal La'aanta Ah
Wasiir Araghchi ayaa caddeeyay in uu fariimo toos ah ka helo Steve Witkoff oo ah wakiilka Maraykanka ee Bariga Dhexe. "Fariimo toos ah ayaan ka helaa Witkoff, sidii horeba u dhici jirtay, balse taasi macnaheedu ma aha in aan ku jirno wada-hadallo," ayuu yidhi Wasiirku.
Wuxuu xaqiijiyay in aanay jirin cid kale oo Iiraan wada-hadal ugu jirta, dhammaan fariimaha diblomaasiyadeedna la soo marsiiyo ama ay guddonto Wasaaradda Arrimaha Dibadda, in kasta oo uu qiray in ay jiraan wada-hadallo xaddidan oo dhinaca amniga ah oo loo maro dalka Bakistaan. Dhanka kale, Araghchi ayaa sheegay in Iiraan aanay weli wax jawaab ah ka bixin qorshihii nabadeed ee ka koobnaa 15 ka qodob ee Maraykanku u soo bandhigay, isla markaana aanay iyaguna gudbin wax shuruudo ah, xilli uu gabaabsi yahay waqtigii kama dambaysta ahaa ee Madaxweyne Trump uu u qabtay Tehraan.
Kalsooni Darro Iyo Taariikh Madow
Aaminaadda ay Iiraan ku qabto Maraykanka ayuu wasiirku ku tilmaamay in ay marayso "eber" isaga oo ku dooday in aanay Washington ka arkin wax daacadnimo ah. Wuxuu dib u xasuusiyay taariikhda madow ee wada-xaajoodyada labada dhinac ee soo taxnaa sanadaha badan.
"Xaqiiqadu waxay tahay in aan waligayo khibrad wanaagsan kala kulmin wada-hadallada Maraykanka," ayuu yidhi.
Wuxuu xusay heshiisyadii hore ee la galay kadibna Maraykanku uu isaga baxay isaga oo aan bixin wax sharraxaad ah. Wuxuu intaas raaciyay in sannadkii hore iyo sannadkanba ay Maraykanka wada-hadallo la yeeshaan, natiijadiina ay noqotay un in Maraykanku uu weerar ku soo qaado dalkooda.
Xaaladda Biyaha Iyo Go'doominta Marinka Hormuz
Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz oo awooddiisa ay Iiraan u adeegsatay curyaaminta dhaqaalaha adduunka ayaa ahaa qodobada ugu muhiimsan ee uu wasiirku soo hadal qaaday. Wuxuu si adag u difaacay mowqifka Iiraan, isaga oo ku adkaystay in marinkani aanu ahayn biyo caalami ah, balse uu yahay biyo goboleed ay si buuxda u wada leeyihiin dalalka Iiraan iyo Cumaan (Oman), sidaas darteedna ay tahay wax iska caadi ah in ay si istiraatiiji ah u adeegsadaan biyahooda.
"Ilaa hadda, waxaan aaminsanahay in marinku uu furan yahay. Kaliya waxa uu ka xidhan yahay maraakiibta dalalka aan colaadda kula jirno. Taasi waa wax iska caadi ah xilliyada dagaalka, ma oggolaan karno in cadowgeenu uu biyahayaga u adeegsado ganacsi," ayuu yidhi Araghchi.
Wuxuu sharraxay in maraakiibta dalalka kale ee ka weecday marinka ay tallaabadaas u qaadeen cabsi dhanka amniga ah iyo qiimaha caymiska (insurance) oo aad u sarreeya, balse wuxuu xaqiijiyay in dalalka saaxiibada la ah Iiraan ee lasoo xidhiidhay la siiyay dammaanad qaad buuxa oo ay si nabad ah ugu gooshi karaan marinka. Sidoo kale wuxuu rajo ka muujiyay in dagaalka kadib uu marinkani noqon doono waddo nabadeed oo adduunka u furan.
Hanjabaadaha Duullaan Dhulka Ah Iyo Khasaaraha Maraykanka
Wasiirka ayaa si geesinimo iyo kalsooni leh uga jawaabay hanjabaadaha isa soo taraya ee ku aaddan in Maraykanku uu duullaan dhinaca berriga ah (Ground invasion) ku qaado Iiraan.
"Waan sugeynaa iyaga, mana filayo in ay ku dhiirradaan tallaabadaas," ayuu yidhi. "Waxaa halkan ku sugaysa awood aad u weyn."
Wuxuu ku jeesjeesay khasaaraha Maraykanka ka soo gaadhay dagaalka dhinaca cirka ah, isaga oo xusay waxyeelada gaadhay shaqaalahooda, raadaaradooda, diyaaradaha sirdoonka ee AWACS iyo kuwa shidaal-qaybinta. Wuxuu ku hanjabay in haddii uu Maraykanku sameeyo khaladkaas oo uu soo qaado dagaal dhulka ah, Iiraan ay leedahay awood ka sii sarreysa oo ay iskugu difaacdo.
Dambiyo Dagaal Iyo Shuruudaha Xabbad-joojinta
Iiraan ayaa si kulul u cambaaraysay duqeymaha lala beegsaday warshadaha dawooyinka ee dalkaas. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Esmaeil Baghaei ayaa weeraradaas ku sifeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, kuwaas oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin cunaqabatayn fal-dambiyeed ah oo ujeeddadeedu tahay in shacabka Iiraan laga diido dawooyinka naf-badbaadinta ah. Wuxuu uga digay kuwa diiradda saaraya qiimaha saliidda in aanay iloobin xasuuqa socda.
Ugu dambayn, Araghchi ayaa caddeeyay in Iiraan aanay doonayn xabbad-joojin kumeel-gaadh ah ama hakad dagaal. Wuxuu ku adkaystay in Tehraan ay aqbali doonto oo keliya xal waara oo si rasmi ah u soo afjaraya colaadda ka taagan gobolka oo dhan, taas oo muujinaysa in wadada nabadda ee Bariga Dhexe ay weli tahay mid qodxan badan.



