Cabdiraxmaan Soltelco: Miisaanka Codkii Go’aamiyey Mustaqbalka Caasimadda Hargeysa
- Hassan Gallaydh

- May 13
- 3 min read
HARGEYSA (May 12, 2026) Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo lagu doortay Maayirka cusub Eng Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa) iyo ku-xigeenkiisa Eng Aadan Jaamac Xaddi (Mideeye), ma ahayn oo qudha madal xil-wareejin, balse wuxuu ahaa masrax si dhab ah u qaawiyey jilayaasha siyaasadda iyo awooddooda tanaasul. 10-kii mudane ee fadhigaas xaadirka ku ahaa, indhaha falanqeeyayaasha siyaasadda iyo shacabka caasimaddu waxay si gaar ah u qabteen hal shakhsi: Maayirkii hore ee Hargeysa, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).
Sida ay xaqiijinayaan xogaha hoose ee laga helay dhacdadan, Soltelco muu ahayn xildhibaanadii abaabulay mooshinkii xilka lagaga qaaday Maayir Cabdikariin Axmed Mooge. Hase yeeshee, maqnaanshihiisa wuxuu abuuri lahaa is-mari-waa (stalemate) sharci ah oo hakin lahaa gabi ahaanba geeddi-socodka doorashada. Go'aankiisa ah in uu madasha soo xaadiro, kana badheedho in uu codkiisa siiyo garabka is-beddel doonka ah, ayaa noqday furaha furay qufulkii siyaasadeed ee Hargeysa haysay bilihii la soo dhaafay. Balse maxaa ku dhaliyey Soltelco in uu qaato go’aankan masiiriga ah?

Qunyar-Socodnimada iyo Ka Fogaanshaha Yooyootanka
Muddo laba bilood ah, saaxadda siyaasadda Hargeysa waxa hadheeyey loolan adag iyo eedaymo la isku marinayay warbaahinta, kuwaas oo salka ku hayay muranka Golaha Deegaanka. Intii uu buuqani socday, Soltelco laguma arag shaashadaha, kamana soo muuqan fagaarayaasha lagu murmayo. Qorshahan aamusnaanta ahi wuxuu ahaa istaraatiijiyad qotodheer oo uu isaga ilaalinayay in lagu xisaabiyo ama lagu suntado reer iyo deegaan gaar ah.
Markii uu saaka ka soo dhex muuqday hoolka doorashada isaga oo dagan, fariintiisu waxay ahayd mid cad: wuxuu isku muujiyay siyaasi ballaadhan (Statesman) oo u han weyn isku haynta caasimadda, kana gudbay caadifadda iyo siyaasadda qaybsanaanta ku dhisan. Tani waxay mar kale xaqiijisay sumcaddiisa siyaasi qunyar socod ah oo nabad-galay, kana fogaaday isticmaalka luuqadda qabyaaladda oo xilligan noqotay halbeeg ay siyaasiyiin badani ku xisaabtamaan.
Xisaabta Gabiley iyo Dhigasho Abaal Siyaasadeed
Dhinaca kale, taageerada uu Soltelco u muujiyay Eng Aadan Jaamac Xaddi (Mideeye) oo loo doortay Maayir ku-xigeen, ma ahayn mid ku salaysan la-shaqayn uun, balse waa xisaab siyaasadeed oo mustaqbalka fog eegaysa. Mideeye, oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Gabiley, ayay isku xisbi (Kulmiye) ka soo wada baxeen Soltelco doorashadii May 2021.
In Soltelco uu codkiisa ku meel-mariyo Mideeye xilli dhammaan mudaneyaashii kale ee la xisaabta ahaa ku-xigeenka ay fadhiga ka baaqdeen, ayaa loo fasirtay dhigasho abaal siyaasadeed oo qaali ah. Tallaabadan ayaa u muuqata kaadh uu Soltelco sii dhiganayo, isaga oo u hanqal taagaya in uu mustaqbalka wada hantiyo taageerada siyaasadeed ee gobollada Maroodi-jeex iyo Gabiley. Waa dhaq-dhaqaaq diblomaasiyadeed oo tilmaamaya in aanu ka quusan saaxadda siyaasadda qaranka.
Duco, Midnimo iyo Digniin Burbur
Markii la soo afmeeray doorashada, Cabdiraxmaan Soltelco ayaa jeediyey khudbad kooban oo xambaarsan farriin wadaninimo iyo digniin. Wuxuu si cad u sheegay doorkiisa asalka ah, isagoo yidhi,
"Maayarka iyo Maayar ku xigeenka cusub ee la doortay waan u duceynayaa. Run ahaantii ma ihi xildhibaanadii mooshinka keenay, laakiin xadhiga haddii aan la isu dabcin, magaaladu way inaga burburaysaa. Waxa aan jecelahay in magaaladeena aynnu midnimo ku wadno."
Hadalkiisan ayaa iftiimiyey ujeeddada dhabta ah ee codkiisa: badbaadinta nidaamka. Isagoo garowsan in khilaafka daba-dheeraada ee Golaha Deegaanku uu curyaaminayo adeegyadii aasaasiga ahaa ee shacabka, Soltelco wuxuu doortay inuu is-dabciyo si caasimaddu u socoto. Waa tanaasul lagu ilaalinayo danta guud halkii laga eegi lahaa loolan shakhsi ah.
Isku soo wada duuboo, doorashadii maanta ee Hargeysa waxay taariikhda u geleysaa maalintii uu cod qudhihii lafdhabar u noqday isbeddel maamul. Cabdiraxmaan Soltelco wuxuu xaqiijiyay in miisaankiisa siyaasadeed aanu ku xidhnayn kursiga Maayirnimo ee uu hore u fadhiyay, balse uu ku jiro awoodda fahamka waqtiga iyo qaadashada go'aamo adag xilliyada xasaasiga ah. Hoggaanka cusub ee Wiiwaa iyo Mideeye waxay xafiiska la wareegayaan iyagoo ogaal u leh in xasiloonida kuraastooda iyo midnimada goluhu ay si weyn ugu tiirsan tahay siyaasiyiinta khibradda leh ee garanaya goorta la xadhig-jiidanayo iyo goorta la is-dabcinaayo.



