Golaha Deegaanka Hargeysa oo Doortay Maayir Cusub
- Hassan Gallaydh

- May 12
- 2 min read
HARGEYSA (May 12, 2026)Ā Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaaddeen mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee caasimadda Hargeysa, ayaa xilkii looga qaaday Maayirkii magaalada Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku-xigeenkiisii Khadar Axmed Cumar. Golaha ayaa isla fadhigaas ku doortay hoggaan cusub oo caynaanka u qaban doona maamulka caasimadda labada sano ee soo socda.
Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ayaa meel mariyey mooshin xilka lagaga qaadayo labada masuul, kaas oo lagu sifeeyey in uu salka ku hayo eedo la xidhiidha fadhiidnimada maamulka, maamul xumo iyo gaabis ku yimid gudashada waajibaadkii loo igmaday ee adeegyada caasimadda. Labadan masuul oo xafiiska loo doortay June 17, 2021, ayaa xilka ka degaya ka hor intii aanu si rasmi ah u soo bixin goāaan istiqaalad ah oo Cabdikariin Mooge hore u hadal hayey.

Doorashada Maayirka Cusub iyo Ku-xigeenkiisa
Intii uu socday kalfadhiga aan caadiga ahayn, mudaneyaashu waxay si rasmi ah ugu doorteen Eng Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa) in uu noqdo Maayirka cusub ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale, Eng Aadan Jaamac Xaddi (Mideeye) ayaa loo doortay jagada Maayir ku-xigeenka caasimadda.
Maayirka cusub ee la doortay, Eng Wiiwaa, ayaa sannadkii 2021 ka mid ahaa mudaneyashii xisbiga Waddani uga soo baxay magaalada Hargeysa. Dhanka kale, Maayir ku-xigeenka cusub, Eng Mideeye, ayaa isna sannadkaas xisbiga Kulmiye uga soo baxay caasimadda.
Maayirka cusub, Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa, oo hadal kooban jeediyey doorashada ka dib, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida nabadda iyo muxtarimka ah ee uu kalfadhigu u qabsoomay. Waxa uu ballanqaaday in uu dardargelin doono hawlihii Dawladda Hoose, isaga oo xubnaha golaha ka codsaday in ay la shaqeeyaan oo ay ku gacan siiyaan horumarinta caasimadda.
Aragtida Maayirkii Hore ee Xilka Wareejiyey
Maayirkii hore ee caasimadda, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa isna hadal ka jeediyey madasha, isaga oo caddeeyey in uu si niyad-sami ah u aqbalay xil ka qaadista. Waxa uu xusay in uu shaqada kaga tegayo qalbi furan, isaga oo sheegay in markii hore aanu si dhab ah u dareensanayn culayska shaqadan leedahay balse uu hadda fahmay.
Mooge waxa uu yidhi, Walaalkay Cabdiraxmaan Soltelco lamaan dareensaneen markii hore culayska shaqadan leedahay, laakiin markaan imid ayaan dareemay. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyey shacabkii taageerada la garab taagnaa, isaga oo sheegay in uu dib kala hadli doono marka uu dhammaysto muddo xileedkiisa xildhibaanimo.
Faahfaahinta Kalfadhiga iyo Mudaneyaashii Goob-joogga ahaa
Kalfadhigan oo ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa shir-guddoominayay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, waxana goob-joog ka ahaa xoghayaha fulinta ee Dawladda Hoose.
Sida xogtu sheegayso, garabka musharrax Khadar Nuur oo loollan kula jiray hoggaanka cusub ayaan ka soo xaadirin madasha doorashadu ka dhacaysay.
Toban xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa soo xaadiray hoolka kalfadhiga, kuwaas oo kala ah:
Cabdikariin Axmed Mooge
Cabdirisaaq Maxamed Faarax
Aadan Cabdi Jaamac Mideeye
Caydaruus Cabdi Samad
Cabdikariim Xasan Garas
Muuse Daa'uus
Faysal Cabdiraxmaan
Xuseen Askar
Yaasiin Cumar Cabdi
Cabdiraxmaan Soltelco
Hoggaanka cusub ayaa hadda si rasmi ah u bilaabi doona hawlahooda maamul, iyada oo isbeddelkani uu imanayo xilli shacabka caasimaddu ay filayaan in kor loo qaado adeegyada aasaasiga ah ee magaalada.


