Dawladda Federaalka Oo Xilkii Ka Qaadday Taliyihii Asluubta, Xabsi Gurina Gelisay Soddogga Madaxweyne Laftagareen
- Hassan Gallaydh

- Mar 25
- 3 min read
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dhacdo siyaasadeed iyo mid amni oo si weyn u muujinaysa heerkii ugu sarreeyay ee khilaafka u dhexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed. Golaha Wasiirada ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta, Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaanno "Taliye Shub", iyada oo durba xabsi guri la geliyay taliyaha oo ah soddogga Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Xil-Ka-Qaadista Iyo Magacaabista Cusub
Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka bishan Maarso, ayaa lagu ansixiyay soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, taas oo xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed loogu magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud. Tallaabadan ayaa si toos ah xafiiska uga saartay Jeneral Mahad Shub oo muddo xilkan soo hayay.
Xabsi Guri Iyo Cunaqabatayn Amni
Isla markii lagu dhawaaqay xil-ka-qaadista, ciidamo boolis ah oo aad u hubaysan ayaa la dul dhigay guriga uu Jeneral Mahad Shub ka degan yahay caasimadda Muqdisho. Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sargaalka si rasmi ah looga dhigay xabsi guri.
Ciidamadii ilaalada u ahaa ayaa gabi ahaanba laga qaaday, marka laga reebo shan askari oo qura oo loogu reebay in ay u adeegaan. Sidoo kale, waxaa lagala wareegay dhammaan telefoonnadii gacanta, iyada oo la xannibay dhaqdhaqaaqiisii oodhan. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in ujeeddada ugu weyn ee amarkan, oo la aaminsan yahay in uu soo rogay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay tahay in laga hor istaago in Jeneral Shub uu u dhoofo magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaadhka ah ee Koonfur Galbeed.
Xudunta Xiisadda: Bartilmaameedsiga Laftagareen
Go'doomintan lama filaanka ah ee lagu sameeyay sargaalkan ma aha mid salka ku haysa arrimo ciidan ama shaqo gudasho la'aan, balse waa ciyaar siyaasadeed oo toos ah. Jeneral Mahad Shub waa soddogga Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, kaas oo dhowaan si weyn uga horyimid siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qorshayaasha xukuumadda ee ku aaddan doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.
Tallaabadan xabsi guriga ah ayaa loo arkaa in ay tahay culays gaar ah oo la saarayo Laftagareen iyo cid kasta oo la mawqif ah maamulkiisa, si loogu qasbo in uu tanaasul siyaasadeed sameeyo.
Cambaaraynta Mucaaradka
Dhacdadan ayaa dhalisay cadho iyo dhaleecayn xooggan oo ka timid xubnaha mucaaradka iyo indha-indheeyayaasha siyaasadda. Dr Maxamed Aadan Koofi, oo ah Xoghayaha Madasha Samatabixinta, ayaa falkan ku tilmaamay mid ka baxsan anshaxa dawladnimada oo u eg afduub sharci darro ah.
"Filimada ayaan ku arki jiray laadarada oo afduubta carruurta, qaraabada ama xididka madaxda si ay dhaqaale uga helaan ama maxaabiis loogu daayo. Hadda taliye Mahad Cabdiraxmaan ma wuxuu u xidhan yahay Madaxweyne Laftagareen ha is dhiibo!" ayuu yidhi Dr Koofi.
Wuxuu intaas ku daray in ceebtan iyo fool-xumadan aanu dalku qaadi karin, isaga oo ugu baaqay in xannibaadda laga qaado taliyaha, madaxweynahana uu dib u eego go'aannadiisa. Dr Koofi ayaa sidoo kale fariin u diray madaxda dhaqanka Muqdisho sida Imaamka iyo Ugaas Maxamuud, isaga oo yidhi: "Hadda dawladnimo waa la iskala tagay ee bal xaalka dhaqan halagu dayo."
Taliyaha Iyo Hadalladiisii Ku Aaddanaa Somaliland
Jeneral Mahad Shub ayaa horay u ahaa shakhsi aan ka gaban in uu jeediyo hadallo muran dhaliya fagaarayaasha. Wuxuu si weyn uga dhex muuqday warbaahinta markii uu weerar afka ah ku qaaday qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo aqoonsiga.
Isaga oo naqdinaya ololaha aqoonsi raadinta Somaliland iyo xasuuqii dhacay, ayuu horay u yidhi:
"Lafo ayay intaa sitaan, waa nala xasuuqay bay leeyihiin. Dadka oo dhan waa la xasuuqay. Ictiraafkana 60-kii ayaa la helay, kan hadda la goobayaa waa edeb darro waana diidnay."
Wuxuu sidoo kale si kulul u dhaleeceeyay shakhsiyaad uu sheegay in ay is-quudhsadeen isaga oo raaciyay:
"Nin leh Soomaali waa qurun, Yahuud kaana ka fiican, ma awal baan isku diin ahayn."
Xaaladdan ayaa haatan cirka ku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Villa Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda ay xasaraddani yeelato wejiyo horleh haddii aan xal degdeg ah laga gaadhin xabsi guriga la geliyay Jeneral Mahad Shub.



