top of page

Geelle Oo Isu Keenay Abiy Iyo Xasan Sheekh Xilli Loolanka Badda Iyo Ictiraafka Somaliland Uu Karkaarayo

Jabuuti-Habeenkii Arbacada ee taariikhdu ahayd 11 ka March, magaalada Jabuuti waxay martigelisay kulan saddex geesood ah oo aad xasaasi u ah, kaas oo dhexmaray Madaxweynaha martida loo ahaa ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Kulankan oo qaatay saacado badan ayaa diiradda lagu saaray xallinta qaska diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika, sugidda amniga gobolka, iyo falanqaynta colaadda sida ba'an ugu fidaysa Bariga Dhexe ee saamaynaysa marin biyoodyada.


Sida ku cad qoraal rasmi ah oo lagu baahiyey bogga Madaxtooyada Jabuuti, iyo warbixinno is waafaqsan oo kasoo baxay xafiisyada Soomaaliya iyo Itoobiya, madaxdan ayaa isla qaatay in la sameeyo iskaashi cusub oo xoojinaya danaha wadaagga ah ee saddexda dal.

Prime Minister Abiy Ahmed meets President of djbouti Ismail Omer Guelleh and president of Somaliya Hassan Sheikh Mahamoud.

Waxay isku raaceen in la dardargeliyo iskaashiga dhanka nabadgelyada gobolka iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee Geeska Afrika.

Sidoo kale, dhinaca kobcinta dhaqaalaha, madaxda ayaa ka wada hadlay ballaarinta maalgashiga, xoojinta xidhiidhka shucuubta saddexda waddan, iyo horumarinta isku xidhka kaabayaasha dhaqaale si loo dedejiyo is dhexgalka ganacsiga ee gobolka.


Diblomaasiyadda Qarsoon: Bad-Raadinta Itoobiya Iyo Arrimaha Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, khubarada falanqaysa joqoraafiyadda siyaasadda ayaa aaminsan in ajendaha dhabta ah ee miiska saarnaa uu aad uga culus yahay faahfaahinta diblomaasiyadeed ee warbaahinta la siiyay. Kulankani waxa uu ku soo beegmayaa xilli dowladda Itoobiya ay si quus ah u raadinayso marin badeed, kadib fashilkii ku yimid isku daygeedii hore ee xanafta lahaa.


Dhinaca kale, Madaxweyne Geelle ayaa si xirfad leh u ciyaaraya doorka odaytinimo ee gobolka, isaga oo go'aansaday in uu miiska wada hadalka isugu keeno dhinacyada Itoobiya iyo Soomaaliya oo xidhiidhkoodu uu gaadhay heerkii ugu hooseeyay bilihii la soo dhaafay. Ujeeddada ugu weyn ee Jabuuti iyo Muqdisho ayaa ah in Addis Ababa lagu qanciyo in ay dib uga gurato faragelinta, isla markaana ay si cad u qeexdo mowqifkeeda rasmiga ah ee ku wajahan aqoonsigii diblomaasiyadeed ee ay Somaliland heshay dhammaadka sannadkii hore.


Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya in ay hubiyaan in xukuumadda Abiy Axmed aanay marnaba taageerin gooni isu taagga Somaliland. Taa beddelkeeda, falanqeeyayaashu waxay tilmaamayaan in Itoobiya loo bandhigayo xal kale oo ah iskaashi ganacsi iyo in ay si sharci ah u adeegsato dekedaha dalalka deriska ah, iyada oo si buuxda loo ixtiraamayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee qaranka Soomaaliya.


Saamaynta Dagaalka Bariga Dhexe

Arrin kale oo miiska saarnayd ayaa ahayd xiisadda Bariga Dhexe. Maadaama dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan uu curyaamiyay isu socodkii caalamiga ahaa, saddexdan dal ee dhaca marin biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay wajahaan khatar amni iyo mid dhaqaale. Kulankan ayaa lagu lafaguray sidii waddamada Geeska Afrika ay yeeshaan mowqif midaysan oo ay kaga gaashaamanayaan saamaynta taban ee colaadaas, loogana hortagi lahaa in awoodo shisheeye ay gobolka u beddelaan masrax lagu hirdamo.


Gebagebadii, shirkan saddex geesoodka ah ayaa u muuqda tallaabo horudhac ah oo lagu qaboojinayo xiisadda diblomaasiyadeed ee ruxday Geeska Afrika. Haddii isfahamkan uu dhaqangalo, waxa uu fure u noqon doonaa in la soo afjaro madmadowga siyaasadeed, wuxuuna gogol xaadh u noqon doonaa in la abuuro nidaam dhaqaale oo gobolka isku xidha, kaas oo meesha ka saaraya baahida loo qabo tallaabooyin xadgudub ku ah qaranimada dalalka deriska ah.

bottom of page