Kharashka Dagaalka Iiraan oo Gaadhay $25 Bilyan
- Hassan Gallaydh

- 6 days ago
- 3 min read
WASHINGTON D.C. (April 30, 2026) : Dagaalka uu Maraykanku kula jiro dalka Iiraan, kaas oo hadda galay bishiisii saddexaad isaga oo ku hoos jira xabad-joojin jilicsan, ayaa markii ugu horraysay loo muddeeyay kharashka rasmiga ah ee uu ku kacay. Waaxda Difaaca Maraykanka (Pentagon) ayaa Arbacadii shaacisay in ilaa hadda dagaalkani uu dhuqay lacag dhan $25 Bilyan oo Doollar, waana markii ugu horraysay ee xukuumadda Madaxweyne Donald Trump ay soo bandhigto xisaab-xidhka dagaalkan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah, iyada oo ay ka hadhsan yihiin lix bilood oo keliya doorashooyinka dhexe (Midterm Elections) ee dalka Maraykanka. Xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa wajahaya loolan adag oo ay ku doonayaan inay ku xejistaan aqlabiyadda Aqalka Wakiillada, halka xisbiga Dimoqraadigu uu isku dayayo inuu ka faa'iidaysto nacaybka shacabku u qabo dagaalkan iyo kharashka faraha badan ee ku baxaya, iyaga oo isku xidhaya arrimaha dhaqaalaha iyo dagaalka.

Xisaabta Pentagon-ka iyo Mugdiga Ku Jira
Jules Hurst, oo ah sii-hayaha xilka Kormeeraha Maaliyadda ee Pentagon-ka, ayaa u sheegay guddida Ciidamada Qalabka Sida ee Aqalka Wakiillada in lacagtan $25 bilyan ah badankeedii lagu bixiyay hubka, gurmadka la geeyay Bariga Dhexe, iyo qalabka lagu waayay dagaalka.
"Waan ku faraxsanahay inaad ka jawaabtay su'aashaas," ayuu yidhi Adam Smith, oo ah mudanaha ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga ee guddidaas. "Sababtoo ah waqti dheer ayaanu weydiinaynay, cidina namay siin tiradan."
Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa shaki weyn ka muujiyay sida lagu gaadhay tiradan. Bilowgii dagaalka ee dhammaadkii February, ilo ku dhow xukuumadda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in lixdii maalmood ee ugu horreeyay uun uu dagaalku ku kacay ugu yaraan $11.3 Bilyan. Waxaa intaas dheer, Jules Hurst muu caddayn in xisaabtani ay ku jirto kharashka lagu dayactirayo saldhigyada milatari ee Maraykanka ee ku yaalla Bariga Dhexe, kuwaas oo dhibaatooyin xooggan ka soo gaadheen dagaalka.
Warbaahinta Maraykanka ayaa iyaduna werinaysa in maamulka Trump uu qorshaynayo inuu Congress-ka ka dalbado miisaaniyad dheeraad ah oo gaadhaysa $200 Bilyan oo Doollar si loo sii wado dagaalka, inkasta oo aan weli dalab rasmi ah la gudbin.
Difaaca Adag ee Hegseth: "Maxaad ku Bixin Lahayd In Iiraan Aanan Helin Nukliyeer?"
Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa isna wajahay su'aalihii ugu horreeyay ee fagaare ah ee kaga yimaada Congress-ka tan iyo markii uu dagaalku qarxay. Hegseth ayaa si kulul u difaacay siyaasadda Madaxweyne Trump iyo miisaaniyadda taariikhiga ah ee difaaca oo dhan $1.5 Tiriliyan.
Isaga oo jawaab ka bixinaya qiimaha dagaalka, Hegseth waxa uu ku dooday in ujeeddada Maraykanku ay qiil u samaynayso kharash kasta. "Maxaad ku bixin lahayd si aad u xaqiijiso in Iiraan aanay helin hubka nukliyeerka? Maxaad bixin lahayd?" ayuu weydiiyay xildhibaannada.
Wuxuu sidoo kale weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada Dimoqraadiga ee dhaliilaya dagaalka, isaga oo ku tilmaamay qaar "fulayaal" iyo "kuwo guul-darro jecel." Markii xildhibaan Garamendi uu dagaalka ku sifeeyay "dhiiqo aan laga bixi karin",
Hegseth waxa uu si cadho leh ugu jawaabay: "Inaad ugu yeedho dhiiqo ma waxaad dacaayad siinaysaa cadowgeena? Ceeb ha kugu ahaato hadalkaas."
Kala-hadalka Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan
Qaybtii ugu adkayd ee dooda ayaa ka dhalatay su'aalo la xidhiidha barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan. Xildhibaan Adam Smith ayaa qabtay hadallo is-burinaya oo ka soo yeedhay Xoghayaha Difaaca. Hegseth waxa uu hore u sheegay in barnaamijka nukliyeerka Iiraan "la tirtiray" intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood ahaa ee 2025-kii, haddana waxa uu sheegay inuu ahaa "khatar soo socota" oo sababtay dagaalkan ugu dambeeyay.
"Waxaad sheegtay inaan dagaalkan ku bilownay 60 maalmood ka hor sababtoo ah hubka nukliyeerku wuxuu ahaa khatar soo socota. Hadda waxaad leedahay gabi ahaanba waa la tirtiray," ayuu yidhi Smith. "Barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan waa sidii uu ahaa ka hor intaanu dagaalkani bilaabmin."
Hegseth ayaa kaga jawaabay:
"Xarumoohoodii waa la duqeeyay oo la tirtiray. Balse hamigoodii wuu sii socdaa, waxayna dhisayaan gaashaan balaadhan."
Xaaladda Dagaalka ee Hadda
Maraykanka iyo Iiraan ayaa dagaalka bilaabay February 28, waxaana hadda dhex taagan xabad-joojin aad u jilicsan oo inta badan shaqaynaysay ilaa April 8. Hase yeeshee, Maraykanka ayaa weli wada go'doominta badda (Naval Blockade) uu saaray Marinka Hormuz.
Pentagon-ka ayaa boqollaal kun oo ciidan ah geeyay Bariga Dhexe, iyada oo saddex markab oo kuwa xambaara diyaaradaha (Aircraft Carriers) ay ku sugan yihiin gobolka. Ilaa hadda, dagaalkan waxa Maraykanka kaga dhintay saddex-iyo-toban (13) askari, halka boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweyne Trump oo adeegsanaya baraha bulshada ayaa Arbacadii dhankiisa hanjabaad soo diray, isaga oo ku baaqay in haddii aan horumar laga gaadhin wada-hadallada xabad-joojinta ay ciidamadiisu dib u bilaabi doonaan weerarada.
Wuxuu si kooban u yidhi:
"MA JIRI DOONO WAX DANBE OO WANAAG AH (NO MORE MR. NICE GUY)."
Mustaqbalka dagaalkan, kharashkiisa sii kordhaya, iyo saamaynta uu ku yeelan doono doorashooyinka Maraykanka ee soo socda ayaa isbeddeli doona bilaha foodda inagu soo haya.



