Iiraan oo Wajahaysa Xasarad Dhaqaale xilli Lacagteeda Riyaalku Gaadhay Heerkii Ugu Hooseeyay Abid
- Hassan Gallaydh

- 2 days ago
- 4 min read
TEHRAN : Qiimaha lacagta qaran ee Iiraan (Riyaalka) ayaa Arbacadii dhulka galay, isagoo gaadhay heerkii ugu hooseeyay taariikhda, xilli uu sii xoogaysanayo cadaadiska ka dhashay go'doominta badda ee Maraykanku ku soo rogay dalkaas. Xaaladdan dhaqaale xumo ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay jirto xabad-joojin jilicsan oo afar toddobaad jirsatay, taas oo u dhexaysa Iiraan, Maraykanka iyo Israa'iil.
Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in hoos-u-dhaca Riyaalku uu dab kusii shidi doono sicir-bararka baahsan ee dalka ka jira, maaddaama Iiraan ay aad ugu tiirsan tahay badeecadaha dibadda laga keeno, sida cuntada, dawooyinka, agabka elektarooniga ah iyo agabka ceeriin, kuwaas oo dhammaantood ku xidhan sarrifka doollarka. Go'doominta badda ayaa sidoo kale Iiraan ka xidhay ishii ugu muhiimsanayd ee dakhliga lacagta adag, ka dib markii la joojiyay ama la qabtay maraakiibtii shidaalka daabulaysay.

Hoggaamiyeyaasha Iiraan ayaa ilaa hadda ku adkaysanaya in dhaqaalahooda oo muddo tobanaan sano ah ku soo dhex jiray cunaqabatayn caalami ah uu u dhabar adaygi doono xaaladdan cusub.
Cunaqabataynta Marinka Hormuz iyo Diidmada Trump
Dagaalkii qarxay 28-kii February ayaa keenay in xaaladda is-mari-waaga ah ee ka taagan Marinka Hormuz ay saamayn taban ku yeelato dhaqaalaha adduunka. Iiraan ayaa xidhay marinkan istiraatiijiga ah oo ay xilliyada nabadda marto shan-meelood meel (20%) shidaalka iyo gaaska dunida laga ganacsado. Tani waxay keentay in qiimaha cuntada, shidaalka iyo badeecadaha kale ee batroolka laga sameeyo uu cirka isku shareero caalamka oo dhan.
Kalsooni darrada iyo cadhada diblomaasiyadeed ayaa isa soo taraysa, iyadoo daraasiin waddamo ahi ay toddobaadkan ku celceliyeen baaqyadooda ku aaddan in la furo marinkan muhiimka ah si loo helo gargaar bini'aadannimo iyo mid dhaqaaleba.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si cad u diiday soo jeedin uga timid Iiraan oo ahayd in dib loo furo Marinka Hormuz, haddii ciidamada badda ee Maraykanku ay qaadaan go'doominta saaran dekedaha Iiraan. Trump oo waraysi siiyay wakaaladda wararka ee Axios ayaa sheegay in soo jeedinta Iiraan ay ujeedadeedu tahay in dib loo dhigo wada-hadallada ku saabsan barnaamijkooda nukliyeerka, taas oo aan xallinayn khilaafkii sababay in Maraykanka iyo Israa'iil ay dagaal galaan horraantii sannadkan.
"Go'doomintu waa mid ka waxtar badan duqaymaha, wayna ku sii xumaan doontaa iyaga. Ma yeelan karaan hub nukliyeer ah," ayuu yidhi Trump. Diidmada Trump ee barnaamijka nukliyeerka ayaa ahayd sababtii ugu weynayd ee uu ku caddeeyay galka dagaalka.
Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha Bakistaan, Shehbaz Sharif, ayaa Arbacadii sheegay in xukuumaddiisu ay sii waddo dedaallada ay ku dhex-dhexaadinayso Maraykanka iyo Iiraan, ka dib wareegii ugu horreeyay ee wada-hadallo toos ah oo dhacay 11-kii April.
Sicir-bararka iyo Nolosha Qoysaska oo Cidhiidhi Gashay
Inkasta oo Riyaalku uu xasilnaa toddobaadyadii ugu horreeyay ee dagaalka sababo la xidhiidha ganacsiga dibadda oo istaagay, haddana qiimihiisu waxa uu si xawli ah hoos ugu dhacay toddobaadkan, isagoo gaadhay heerkii abid ugu xumaa oo ah in hal Doollar lagu sarrifo 1.8 milyan oo Riyaal.
Dharbaaxadan dhaqaale ayaa imanaysa bilo uun ka dib markii naxdin dhaqaale oo kale ay sababtay in dibadbaxyo waaweyni ay waddanka ruxaan bishii January. Cadhada dadweynaha ayaa salka ku haysa sicir-bararka joogtada ah iyo hubanti la'aanta mustaqbalka dhaqaalaha dalka.
Waxa cirka isku shareeray qiimaha badeecadaha aasaasiga ah ee qoysaska. Laba toddobaad gudahood, muwaadiniinta wax iibsanaya waxay wajahaayeen qiimo aad u sarreeya oo la saaray caanaha, fadhiidada, saliidda cuntada, rootiga, bariiska, jiiska iyo saabuunta. Korodhkan ayaa iftiiminaya sicir-barar baahsan oo ay horseedeen:
Hubanti la'aanta suuqyada dalka.
Silsiladaha sahayda oo go'ay.
Kharashka gaadiidka iyo wax-soo-saarka oo kordhay.
Saamaynta tooska ah ee go'doominta Maraykanka.
Halista Kaabayaasha Shidaalka iyo Buuxsamida Kaydka
Go'doominta badda ee Maraykanku ku hayo dekedaha Iiraan iyo Marinka Hormuz, taas oo dhaqan gashay 13-kii April, ayaa abuurtay walaac weyn oo ah in Iiraan uu ka buuxsamo kaydka shidaalka ceeriin, taas oo ku khasbi karta inay si buuxda u joojiso wax-soo-saarkeeda. Warshadaynta gudaha ee Iiraan waxay leedahay awood ay ku sifeeyaan 2.6 milyan oo foosto maalintii, sida ay sheegtay shirkadda la-talinta tamarta ee Facts Global Energy.
Xogaha dayax-gacmeedku waxay muujinayaan in xaddiga shidaalka ay Iiraan kaydisay uu si aad ah u kordhay tan iyo markii go'doomintu bilaabantay. Laga soo bilaabo 20-kii April, haamaha kaydka ee Jasiiradda Kharg ayaa buuxsamay boqolkiiba 74, ka dib markii jasiiradda lagu shubay 3 milyan oo foosto oo dheeraad ah. Sida caadiga ah, shirkadaha shidaalku kama buuxiyaan kaydkooda wax ka badan boqolkiiba 80 si loo ilaaliyo badbaadada haamaha, xakamaynta qiiqa sunta ah iyo dabacsanaanta hawlgalka.
Khubarada tamarta ayaa ka digaya cawaaqibka ka dhalan kara joojinta wax-soo-saarka ceelasha. Hadii la joojiyo soo-saarista, waxa hoos u dhacaya cadaadiska ceelasha dhulka hoostiisa ah, taas oo keeni karta in biyo ama gaas ay soo dhex galaan lakabyada shidaalka oo ay beddelaan hab-socodka dabiiciga ah ee shidaalka. Tani waxay mustaqbalka ka dhigaysaa soo-saarista shidaalka mid aad u adag oo kharash badan u baahan. Sidoo kale, dib-u-kicinta qalabka la joojiyay waa hawl gaabis ah oo u baahan in la dayactiro tubooyinka daxalaystay ama xidhmay.
In kasta oo joojinta wax-soo-saarku ay dakhli la'aan dhigayso dalka, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in Iiraan ay bilo kooban sii wadan karto isticmaalka dakhliga ka imanaya shidaalka horay loogu sii iibiyay maraakiibta ee hadda badda ku jira. Xaaladda Iiraan ayaa ah mid isku dhafan oo u dhaxaysa go'aan siyaasadeed oo adag iyo culeys dhaqaale oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya.


