UK: Keir Starmer oo Wajahaya Cadaadis Iscasilaad Kadib Guuldarrooyin Doorasho iyo Kacdoon Xisbigiisa Ah
- Hassan Gallaydh

- May 15
- 3 min read
LONDON (May 2026)Ā Raysal Wasaaraha Boqortooyada Midowday ee UK, Keir Starmer, ayaa la tacaalaya sidii uu u xejisan lahaa xukunka, iyadoo dalkaas ay ka aloosan tahay xasarad siyaasadeed oo hor leh. Cadaadiska kaga imanaya xubnaha xisbigiisa ee Labour ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay, waxaana si weyn loogu baaqayaa in uu talada ka dego. Arrintan ayaa daba socota guuldarrooyin taariikhi ah iyo hoos u dhac weyn oo xisbiga talada haya uu kala kulmay doorashooyinkii dawladaha hoose ee toddobaadkii hore ka dhacay England, Scotland, iyo Wales.
Xaaladda ayaa faraha ka baxday maalintii Thursday, kadib markii uu si rasmi ah xilka iska casilay Wasiirkii Caafimaadka ee UK, Wes Streeting. Wasiirkan oo ahaa mid ka mid ah xubnaha ugu miisaanka culus xukuumadda Starmer ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee golihiisa wasiirada ka baxa tan iyo markii uu buuqu bilaabmay, tallaabadaas oo loo arko mid horseedi karta burburka xukuumadda hadda jirta.

Iscasilaad Xambaarsan Fariin Adag
Wes Streeting oo si weyn loogu tirinayay shakhsiyaadka ugu saamaynta badan xisbiga ayaa warqaddii iscasilaadda ee uu u diray Raysal Wasaaraha u adeegsaday erayo aad u adag oo muujinaya kalsooni darro buuxda. Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu lumiyay kalsoonidii uu ku qabay hoggaanka Keir Starmer, isagoo ku eedeeyay in xukuumaddu ay lumisay jihadii siyaasadeed ee dalka.
"Waxa hadda caddaatay in aanad xisbiga Labour ku hoggaamin doonin doorashada guud ee soo socota," ayuu Streeting ku yidhi warqaddiisa iscasilaadda.
Wuxuu intaas raaciyay in sii joogistiisa xukuumaddu ay noqon lahayd mid "sharaf dhac iyo mabaadi' la'aan ah." Iscasilaaddan ayaa ujeeddadeedu tahay in la furo dood ballaadhan oo ku saabsan mustaqbalka xisbiga, iyadoo Streeting uu ku baaqay in xisbigu uu diiradda saaro fikrado iyo qorsheyaal cusub halkii laga eegi lahaa shakhsiyaad ama kooxo gaar ah.
Isagoo ka jawaabaya dhacdadan, Starmer ayaa warqad uu u diray wasiirkiisii hore ku sheegay inuu aad uga xun yahay iscasilaaddiisa. Raysal Wasaaraha ayaa qiray in natiijooyinkii doorashooyinka dawladaha hoose ee toddobaadkii hore ay ahaayeen "kuwo aad u adag," balse wuxuu wacad ku maray inuu dagaallami doono oo aanu is dhiibi doonin. Si loo buuxiyo jagada bannaanaatay, Starmer ayaa markiiba xilka Wasiirka Caafimaadka u magacaabay James Murray, oo hore u ahaa Xoghayihii Guud ee Khasnadda (Chief Secretary to the Treasury).
Xeerarka Loolanka iyo Cadhada Xildhibaanada
Xasaraddan siyaasadeed ayaa imanaysa wax ka yar laba sano uun kadib markii Keir Starmer uu aqlabiyad weyn ku guuleystay doorashadii guud ee sannadkii 2024. Xilligaas, wuxuu shacabka Ingiriiska u ballanqaaday inuu soo celin doono xasiloonida dalka, isla markaana uu soo afjari doono toban sano oo fowdo siyaasadeed ahayd. Balse maanta, xukuumaddiisii ayaa u muuqata mid iyadu dhex dabbaalanaysa fowdadaas.
Kacdoonka ka dhex dhashay xisbiga Labour ayaa ah mid aan la dhayalsan karin. Ilaa hadda, ku dhawaad 90 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka kana tirsan xisbiga Labour ayaa si fagaare ah ugu baaqay in Starmer uu iscasilo.
Sida uu dhigayo xeerka xisbiga Labour, si loolan rasmi ah loogula galo hoggaamiyaha xisbiga, waxa loo baahan yahay in ugu yaraan boqolkiiba labaatan (20%) xubnaha baarlamaanka ee xisbiga ay taageeraan mooshinkaas, taas oo xilligan u dhiganta 81 xildhibaan. Maadaama in ka badan 81 xildhibaan ay durba muujiyeen saluugooda, waxa aad u fudud in waqti kasta lagu dhawaaqo loolan toos ah oo ka dhan ah Raysal Wasaaraha.
Saadaasha Mustaqbalka iyo Loollanka Beddelka
In kasta oo Wes Streeting aanu wali si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu isagu u tartamayo hoggaanka xisbiga, haddana ka bixitaankiisa xukuumadda ayaa jidka u xaaraysa in la raadiyo hoggaamiye cusub. Siyaasiyiin kale oo awood leh, sida Duqa Magaalada Manchester, Andy Burnham, ayaa durba bilaabay inay isasoo sharraxaan oo ay isu diyaariyaan loolanka hoggaanka, iyagoo isku dayaya inay ka faa'iidaystaan daciifnimada xukuumadda Starmer.
Falanqeeyayaasha siyaasadda UK ayaa aaminsan in marxaladda uu hadda ku jiro Keir Starmer ay tahay mid adag oo ka soo kabashadeedu ay qaadan doonto mucjiso siyaasadeed. Magacaabista James Murray waxay xal ku meel gaadh ah u noqon kartaa buuxinta shaqooyinka xukuumadda, balse ma dawayn karto kala jabka qoto dheer ee soo dhex galay xisbiga dhexdiisa iyo kalsooni darrada shacabka ee ka soo dhalatay doorashooyinkii dawladaha hoose.
Dhacdooyinkan ayaa si cad u muujinaya sida degdegga ah ee isbeddelada siyaasadda UK ay u dhacaan. Raysal Wasaare laba sano ka hor loo arkayay inuu yahay badbaadiyaha dalka ayaa maanta wajigiisa lagu tilmaamayaa mid salka ku haya fashil maamul, waxaana isha lagu wada hayaa maalmaha soo socda tillaabada xigta ee uu qaadi doono xisbiga Shaqaaluhu iyo in UK ay yeelan doonto Raysal Wasaare cusub ka hor doorashada guud ee soo socota.



