Isbahaysiga Nabadda: Turkiga, Masar iyo Bakistaan Oo Dhex-dhexaadinaya Maraykanka iyo Iiraan
- Hassan Gallaydh

- Mar 29
- 4 min read
Dagaalka u dhexeeya isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil oo dhinac ah iyo dalka Iiraan oo dhinaca kale ah ayaa galay maalintii 30aad, isaga oo gabi ahaanba ruxay xasiloonida Bariga Dhexe iyo suuqyada tamarta ee caalamka. Xilli ay dunidu ka cabsi qabto in dagaalkani uu isku beddelo mid gubanaya dhammaan gobolka, waxaa saaxadda diblomaasiyadda ka soo dhex muuqday isbahaysi cusub oo lama filaan ah. Dalalka Turkiga, Masar, iyo Bakistaan ayaa isku xilqaamay in ay dhex-dhexaadin taariikhi ah ka dhex sameeyaan Washington iyo Tehraan.
Dadaalladan isku-dubbaridan ayaa durbadiiba midho dhalay, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in uu hakiyay qorshe milatari oo uu ku doonayay in lagu garaaco warshadaha korontada iyo kaabayaasha tamarta ee Iiraan, si fursad loo siiyo wada-hadallada.

Shirkii Xasaasiga Ahaa Ee Islamabad
Axaddii, caasimadda dalka Bakistaan ee Islamabad waxaa isugu yimid wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Bakistaan, Masar, Turkiga, iyo Sucuudi Carabiya. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ujeeddadiisa ugu weyni ahayd sidii loo dejin lahaa xiisadda sii ololaysa iyo in la helo xal siyaasadeed oo degdeg ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Bakistaan ayaa xaqiijisay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo dhiggiisa Masar Badr Abdelatty ay soo gaadheen Islamabad si ay wada-tashiyo dhinaca nabad-raadin ah ula yeeshaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Bakistaan Ishaq Dar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan Al Saud.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray horumarada milatari ee gobolka iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee socda si loo xakameeyo xiisadda, iyada oo dawladda Masar ay bayaan ay soo saartay ku xustay in dalalkan ka qaybgalaya shirka ay raadinayaan isku-duwidda mowqifyadooda si ay u taageeraan xal siyaasadeed oo laga gaadho dhibaatooyinka soo kordhaya.
Guusha Bakistaan Iyo Dabcinta Ceejinta Marinka Hormuz
Saamaynta ugu weyn ee dagaalkani uu ku yeeshay caalamka ayaa ah xannibaadda ay Iiraan ku samaysay Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, taas oo dhalisay xasarad dhanka tamarta ah iyo in qiimaha shidaalku uu cirka isku shareero.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bakistaan Ishaq Dar ayaa ku guulaystay in uu tillaabo horumar ah qaado. Wuxuu xaqiijiyay in xukuumadda Tehraan ay oggolaatay in 20 markab oo wata calanka Bakistaan ay si nabad ah ku maraan Marinka Hormuz, iyada oo maalin kasta laba markab la fasaxayo. Tallaabadan ayaa timid kadib khadka taleefanka oo ay ku wada hadleen Ishaq Dar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araghchi, halkaas oo dhinaca Bakistaan ay ku adkaysay in wada-hadal iyo diblomaasiyad ay yihiin waddada keliya ee lagu gaadhi karo nabad waarta.
Ishaq Dar ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa niyad wanaag ka timid dhinaca Iiraan, isaga oo fariin uu soo dhigay barta X ku daray madaxda sarsare ee Maraykanka sida Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, ergayga Maraykanka Steve Witkoff, iyo dhiggiisa Iiraan Abbas Araghchi, si uu ugu muujiyo in tanaasul la samayn karo haddii la adeegsado dariiqa diblomaasiyadda.
Maxay Dalalkani U Danaynayaan Nabad Degdeg Ah?
In kasta oo ay u muuqdaan kuwo u taagan nabadda caalamka, haddana dal kasta oo ka mid ah isbahaysigan dhex-dhexaadinta wada waxa uu leeyahay dano qaran oo si qoto dheer ugu xidhan in dagaalkan la soo afjaro.
Bakistaan: Xasiloonida Gobolka Iyo Xasaradda Tamarta
Dalka Bakistaan waxa uu xuduud dheer oo gaadhaysa 900 oo kilomitir la wadaagaa Iiraan. Islamabad waxay si weyn uga baqaysaa in dagaal toos ah oo ka qarxa Iiraan uu sababo qaxooti malaayiin ah oo ku soo qulqula xuduudaheeda. Sidoo kale, Bakistaan oo dhaqaalaheedu uu jilicsan yahay, waxay si ba'an ula daalaa-dhacaysaa xasaradda tamarta ee ka dhalatay xidhitaanka Marinka Hormuz. Intaas waxaa dheer, Bakistaan waa dal ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan oo ah Muslimiinta Sunniga iyo Shiicada, waxaanay xukuumaddu ka fogaanaysaa in burburka Iiraan uu dalkeeda ka dhex abuuro dagaal dariiqooyin iyo xasilooni darro gudaha ah.
Turkiga: Dhaqaalaha Iyo Kahortagga Duullaan Dhinaca Dhulka Ah
Xukuumadda Ankara waxay ciyaaraysaa door aad u xasaasi ah. Turkigu waa xubin ka tirsan isbahaysiga NATO, haddana waa dal awood goboleed leh oo xidhiidh ganacsi iyo mid tamareed la leh Iiraan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u si dadban u xusay in dalkiisu uu samayn doono wax kasta oo karaankiisa ah si uu uga hortago in Maraykanku uu duullaan dhinaca dhulka ah (Ground Invasion) ku qaado Iiraan. Turkigu wuxuu aaminsan yahay in isbeddel xoog ah oo lagu sameeyo nidaamka Tehraan (Regime change) ay dhalin doonto fowdo lamid ah tii Ciraaq iyo Suuriya, taas oo gobolka ku sii deyn doonta kooxo hubaysan iyo mowjado qaxooti ah oo ku soo wajahan xuduudaha Turkiga, isla markaana burburin doonta rajada koboc dhaqaale ee dalkaas.
Masar: Dhaqaalaha Badda Iyo Kanaalka Suweys
Ujeeddada ugu weyn ee dalka Masar ayaa salka ku haysa dhaqaalaha. Dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo ururada gacan-saarka la leh Iiraan (sida Xuutiyiinta Yemen) ayaa si ba'an u curyaamiyay isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas. Tani waxay dharbaaxo xooggan ku dhufatay dakhligii dawladda Masar ay ka heli jirtay Kanaalka Suweys (Suez Canal), kaas oo ah isha ugu muhiimsan ee ay ka hesho lacagta qalaad. Wasiir Badr Abdelatty waxa uu dhex-dhexaadintan u arkaa dariiqa keliya ee dib loogu furi karo waddooyinka ganacsiga badda iyo in la badbaadiyo dhaqaalaha Masar oo markii horeba la tacaalayay sicir barar iyo deymo shisheeye.
Sucuudi Carabiya: Ajande Laba Wajiile Ah?
Ka qaybgalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan ee shirka Islamabad ayaa xambaarsan weji siyaasadeed oo aad u murugsan. Si fagaare ah, Riyaad waxay ku baaqaysaa in la qaboojiyo xiisadda, iyada oo ka cabsi qabta in Iiraan ama kooxaha daacadda u ah ay jawaab aargoosi ah la beegsadaan ceelasha shidaalka iyo kaabayaasha tamarta ee Sucuudiga, sida dhacday waqtiyadii hore.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira warbixino iska hor imanaya oo tilmaamaya in qolalka dambe ee siyaasadda Sucuudiga laga qabo aragti taas ka duwan. Iiraan waa cadowga soo jireenka ah iyo tartamaha ugu weyn ee Sucuudiga ee gacan ku haynta awoodda Bariga Dhexe. Warbixinada qaar ayaa soo jeedinaya in madaxda Sucuudigu ay si hoose u taageerayaan duullaan dhulka ah iyo in Maraykanku uu qaado tallaabooyin milatari oo sii xoojiya dagaalka, si nidaamka Tehraan loogu rido daciifnimo aanu waligii ka soo kaban karin. Sucuudiga ayaa aaminsan in burburka awoodda milatari ee Iiraan uu meesha ka saari doono taageerada ay siiso kooxaha hubaysan ee gobolka ku baahsan, balse waxay doonayaan in shaqadaas adag uu Maraykanku qabto iyaga oo aan dalkoodu noqon goob bartilmaameed ah.
Gebagebadii, wada-hadalladan afarta geesoodka ah ee ka socda Islamabad ayaa ah isku daygii ugu adkaa ee lagu doonayo in lagu badbaadiyo xasiloonida adduunka. Iyada oo dalalkani ay riixayaan xal diblomaasiyadeed si ay u difaacaan danahooda qaran, waxa weli la isweydiinayaa in xukuumadda Donald Trump iyo hogaamiyayaasha Iiraan ay diyaar u yihiin in ay si dhab ah uga tanaasulaan faraha ay ku hayaan keebka dagaalka.



