top of page

Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha AIPAC Ee Maraykanka

Wakiilka Somaliland ee Maraykanka ayaa ka qayb galay shirweynaha AIPAC, isaga oo shaaciyey in Somaliland diyaar u tahay ku biirista Abraham Accords iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Maraykanka iyo Israel, xilli ururka AIPAC lagu tiriyo mid ka mid ah lobbiyada ugu saameynta badan siyaasadda Washington.


Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka, Bashiir Good, ayaa ka qayb galay shirweyne caalami ah oo lagu casuumay Somaliland kaas oo ka dhacay waddanka Maraykanka. Shirkan oo ay soo agaasintay hay'adda AIPAC ayaa waxaa isugu yimid dublamaasiyiin, xildhibaano ka tirsan golayaasha sharci dejinta Maraykanka, iyo masuuliyiin ka kala tirsan xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.


Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya dalalka Maraykanka iyo Israel. Wakiilka Somaliland ayaa halkaas kula kulmay masuuliyiin kala duwan iyo xubno saameyn leh oo u ololeeya qaddiyada Somaliland, waxaana si weyn looga dhex muujiyay danta istiraatiijiyadeed ee Somaliland ugu jirta in ay dhisato isbahaysi cusub.


Dr. J Peter Pham oo ah khabiir dhanka diblomaasiyadda ah isla markaana si dhow ula socda arrimaha Geeska Afrika ayaa bartiisa xidhiidhka bulshada ee X soo dhigay sawirro muujinaya Wakiilka Somaliland oo ku sugan madasha AIPAC. Dr. Pham ayaa qoraalkiisa ku yidhi:

"Saaxiibo badan oo aanu caawa ku wada sugnayn soo dhawaynta Shirweynaha Koongareeska ee @AIPAC, waxa si gaar ah ii farxad gelisay aragtida @baruud, madaxa hawlgalka Jamhuuriyadda Somaliland ee Maraykanka. Israel waa dawladdii ugu horraysay ee si rasmi ah u aqoonsata madaxbannaanida ay la soo noqotay Somaliland. Noqon mayso tii ugu dambaysay!"

Somaliland Ambassador to the United States and Dr. J Peter Pham at AIPAC CONGRESSIONAL SUMMIT

Somaliland ayaa muujisay diyaar garowgeeda ku aadan inay sii wado iskaashiga ay la leedahay dalalka Maraykanka iyo Israel, iyadoo u aragta tillaabo muhim u ah mustaqbalkeeda siyaasadeed. Sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Somaliland ee Maraykanka:

WAXA NAGA GO’AN INAAN KU BIIRNO HESHIISKA ABRAHAM ACCORDS, ISLA MARKAANA AANU XOOJINO ISKAASHIGA AANU LA LEENAHAY MARAYKANKA IYO ISRAEL"

Waa Maxay AIPAC?

AIPAC oo laga soo gaabiyay American Israel Public Affairs Committee waa ururka ugu weyn ee u ololeeya danaha dalka Israel gudaha waddanka Maraykanka. Waa hay'ad u taagan sidii ay u xoojin lahayd xidhiidhka siyaasadeed, dhaqaale iyo midka milatari ee ka dhexeeya xukuumadaha Washington iyo Tel Aviv. Ururkan ayaa ka shaqeeya sidii uu u midayn lahaa codadka siyaasiyiinta Maraykanka si ay u taageeraan shuruucda wax ku oolka u ah dalka Israel iyo xulafadiisa.


Saameyn Intee Leeg Ayay Leedahay AIPAC?

AIPAC waxa ay leedahay awood aad u baaxad weyn oo saamaysa go'aanada Madaxtooyada iyo labada aqal ee Koongareeska Maraykanka. Waa mid ka mid ah kooxaha ololaha ee loogu cabsi qabo looguna ixtiraamka badan yahay saaxada siyaasadda Maraykanka. AIPAC PAC ayaa sheegtay inay bixisay in ka badan $53 milyan oo ah taageero toos ah oo la siiyay 361 musharrax oo ka kala tirsan xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga, kuwaas oo taageersan Israel, intii lagu guda jiray wareeggii doorashooyinka ee 2024-ka.

  • Taageerada Xisbiyada: Ururkani waxa uu isku xidhaa siyaasiyiinta labada xisbi ee waaweyn ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga, isagoo hubiya in taageerada Israel ay noqoto siyaasad aan lagu murmin.

  • Awoodda Dhaqaalaha: Awooddoodu waxa ay ku saleysan tahay helitaanka iyo abaabulka dhaqaale olole oo xooggan kaas oo go'aamiya cida kusoo baxaysa kuraasta muhiimka ah ee Koongareeska.

  • Dejinta Siyaasadda: Waxa ay si weyn u qaabeeyaan siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ee ku wajahan Bariga Dhexe, dalalka badda Cas iyo caalamka intiisa kale.

Sidee Ayay Somaliland Uga Faa'iidaysan Kartaa AIPAC?

Ka qayb galka Somaliland ee madashan iyo xidhiidh ay la yeelato ururka AIPAC ayaa xambaarsan fursado diblomaasiyadeed oo taariikhi ah. Waxaa ka mid ah faa'iidooyinkaas:

  1. Madal Olole (Lobbying Platform): Somaliland waxa ay u adeegsan kartaa isku xidhkan sidii ay codkeeda ugu gaadhsiin lahayd xubnaha ugu saameynta badan Koongareeska Maraykanka. Cilaaqaad lala yeesho ururkan waxa uu Somaliland ka saacidi karaa inay hesho xulafo siyaasadeed oo Maraykan ah oo dardar gelisa raadinta aqoonsiga caalamiga ah.

  2. Maalgashi iyo Ammaan: Rabitaanka xukuumadda ee ku aadan inay ku biirto heshiiska Abraham Accords waxa uu abuurayaa jawi cusub. Heshiiskan oo suurtogelinaya in dalal carbeed ay xidhiidh buuxa kula yeesheen Israel ayaa waxa uu fure u yahay diblomaasiyadda casriga ah. Haddii Somaliland ay noqoto xubin firfircoon, waxa hubaal ah inay heli doonto maalgashi caalami ah iyo iskaashi xagga ammaanka ah ee marinka Badda Cas.

  3. Ka Bixida Go'doonka Siyaasadeed: In la garab istaago danaha istiraatiijiyadeed ee isbahaysiga Maraykanka iyo Israel waxa ay Somaliland ka saari kartaa go'doonka siyaasadeed ee muddada dheer hortaagnaa horumarkeeda diblomaasiyadeed.

bottom of page