Safarka Deni oo Gilgilay Damaca Muqdisho iyo Laascaanood ee Sanaag Bari
- Gallaydh News Desk

- 5 days ago
- 3 min read
BADHAN (April 27, 2026) : Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag waxay maanta martigelisay mid ka mid ah socdaalladii ugu miisaanka cuslaa ee uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ku tago gobolka tan iyo markii dib loo doortay sannadkii 2024. Safarkan, oo u muuqda mid qorshaysan, ma aha oo keliya booqasho shaqo balse waa farriin diblomaasiyadeed iyo mid milatari oo ku socota dhinacyada isku haya loolanka saamaynta ee Geeska Afrika iyo gudaha Soomaaliya.
Iyadoo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay marayso meel xasaasi ah, gaar ahaan marka la eego muranka u dhexeeya maamulka Garoowe iyo dawladda Federaalka ee Muqdisho, socdaalka Deni ee Badhan wuxuu xambaarsan yahay macne ka fog midka muuqda. Waxa uu halkan u yimi inuu adkeeyo gacanta Puntland ay ku hayso deegaanadda Sanaag-Bari, isagoo mid mid u abbaaraya caqabadaha horyaal maamulkiisa.

Cududda Milatariga iyo Farriinta Amniga
Mid ka mid ah ujeeddooyinka ugu waaweyn ee safarkan ayaa ah kormeerka iyo tababar u xidhidda boqolaal ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta Puntland ee ku sugan Badhan. Tani waa muujin cad oo ku aaddan in Puntland ay weli tahay awoodda rasmiga ah ee maamusha amniga deegaanka.
Deni waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda hawlgallada "Calmiskaad" iyo "Calmadow," kuwaas oo liddi ku ah kooxaha nabad-diidka ah. Marka la eego dhoollatuskan milatari, Deni waxa uu caddaynayaa in Badhan aysan ahayn goob bannaan, balse ay tahay saldhig muhiim u ah difaaca dhex-dhexaadnimada iyo madax-bannaanida Puntland. Tani waa farriin toos ah oo ku socota kooxaha sheegta maamul-goboleedka cusub ee "Waqooyi Bari," kaas oo xaruntiisu tahay Laas-caanood, oo damac weyn ka leh gobolka Sanaag.
Loolanka Isimada: Is-u-soo-dhowaynta Deni iyo Suldaan Siciid
Dhanka kale, kulanka dhex maray Madaxweyne Deni iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa ahaa barta ugu xiisaha badan safarka. Suldaanka, oo dhowaan Garoowe uga baxay si cadho leh ka dib isku-shaandhayn ay xukuumaddu samaysay, wuxuu u muuqday mid laga soo xaal-mariyey tabashadiisii.
Tani waa guul siyaasadeed oo Deni u soo hoyatay, maaddaama Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu maalmihii u dambeeyey kulamo kula lahaa Muqdisho qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Puntland. Socdaalka Deni ee Badhan waa jawaab-celin "Show of Force" ah, oo muujinaysa in isimada saamaynta dhabta ah ku leh dhulka ay weli ku qanacsan yihiin hoggaanka Garoowe, isla markaana xadhigga siyaasadeed ee Badhan uusan gacanta u geli doonin Villa Somalia.
Shaxda Saddex-geesoodka ah: Garoowe, Muqdisho & Laascaanood
Magaalada Badhan waxay hadda noqotay goobta ay ku kulmaan saddex aragtiyood oo is-diiddan:
Aragtida Puntland: In Sanaag Bari ay tahay qayb aan laga goyn karin federaalnimada Puntland, laguna ilaalinayo ciidan iyo mashaariic horumarineed sida wadada Ceeldaahir-Ceergaabo.
Aragtida Federaalka (HSM): In la daciifiyo xidhiidhka Deni iyo isimada gobolka, si loo abuuro fursad looga dhex-hadli karo maamulka Puntland ka hor doorashooyinka federaalka.
Aragtida Waqooyi Bari (Maamulka Laas-caanood): In Sanaag lagu daro maamulka cusub ee dhowaan ka dhashay loolankii SSC, iyadoo la adeegsanayo isirka iyo midnimada qabaa'ilka deegaanka.
Booqashada Deni waxay si rasmi ah u wiiqday sheegashada maamulka Laas-caanood, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen in aqoonsigooda siyaasadeed uu ku xidhan yahay nidaamka Puntland.
Horumarka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha
Madaxweynuhu ma uusan iloobin inuu taabto baahiyaha bulshada. Kulankii uu la qaatay Nabadoonnada iyo waxgaradka waxa looga hadlay dhameystirka wadada masiiriga ah ee Ceeldaahir-Ceergaabo iyo dhismayaasha xarumaha dawladda. Tani waa "Soft Power" ama awoodda tartiibta ah ee Deni u isticmaalayo inuu ku kasbado qalbiyada dadka deegaanka, isagoo tusaya in horumarku uu ka imaanayo Garoowe ee uusan ka imaanayn meel kale.
Gunaanad: Imtixaanka Doorashooyinka Soo Socda
Socdaalka Badhan wuxuu dhabaha u xaarayaa doorashooyinka heer federaal iyo kuwa Puntland ee soo socda. Deni waxa uu muujiyey inuu cuduuda ugu balaadhan ku leeyahay Badhan, isagoo meesha ka saaray shakigii laga qabay saamayntiisa Sanaag Bari. Farriinta cad ee safarkan laga akhriyi karo ayaa ah in Puntland ay diyaar u tahay inay difaacdo dhulka iyo dadka ee sheegato, iyadoo isticmaalaysa cudud ciidan iyo mid diblomaasiyadeedba.
Su'aasha masiiriga ah ee hadda taagani waxay tahay: sidee Villa Somalia uga fal-celin doontaa dhoollatuskan Deni ee Badhan, mase noqon doonaa safarkan kii ugu dambeeyey ee lagu soo afjaro damaca maamulka "Waqooyi Bari" ee gobolka Sanaag?



