Uganda: Museveni Oo Mar Kale Guulaystay
- Hassan Gallaydh

- Jan 17
- 1 min read
Updated: Jan 18
Doorashada Uganda ayaa mar kale xaqiijisay hoggaanka Museveni, balse waxay iftiimisay qalalaase siyaasadeed iyo mustaqbal mugdi ah.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale ku guulaystay doorashada madaxtinnimada dalkaas, kadib markii uu helay 74% codadka la tiriyey, halka musharraxa mucaaridka Bobi Wine uu helay 23%. Museveni, oo talada hayey tan iyo 1986, ayaa markii toddobaad loo caleema saari doonaa.

Guushan ayaa imanaysa xilli Uganda wajahaysay xaalad siyaasadeed oo kacsan. Muddo ka badan afartan sano, dalkaasi waxa uu ku jiray hoggaan aan si dhab ah isu beddelin, taas oo dhalisay in dhalinyarada iyo mucaaridku ay suāaal geliyaan dimuqraadiyadda.
Habeenkii doorashada, rabshado ayaa ka dhacay duleedka Kampala, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan toddoba qof. Sidoo kale, Bobi Wine ayaa laga kaxeeyey gurigiisa, waxaana la geeyey meel aan si rasmi ah loo shaacin, arrintaas oo sii kicisay caro iyo walaac caalami ah.
Museveni waxa uu ku dooday in amniga dalka la ilaalinayo, balse hayāadaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in doorashadu aanay u dhicin si xor ah, isla markaana la cabburiyey mucaaridka.
Uganda maanta waxay taagan tahay isgoys: mid u dhexeeya xasillooni ku dhisan hoggaan gaboobay iyo baahida loo qabo isbeddel siyaasadeed oo ay dalbanayaan jiilka cusub.



