Israel-Suuriya: Colaaddii Bariga Dhexe Oo Leexatay
- Hassan Gallaydh

- Jan 25
- 2 min read
Wada-hadallada Paris ee u dhexeeya Israa’iil iyo Suuriya ayaa muujinaya isbeddel istiraatiiji ah oo ka socda Bariga Dhexe, iyadoo danaha amni, horumar iyo saameynta Maraykanku ay ka hormareen colaaddii ideolojiyadda ahayd ee tobannaan sano jirtay.
Warbaahinta Israa’iil ee i24 News ayaa shaacisay in wada-hadallo heer geba-gebo ah ay ka socdaan si loo dhammeystiro heshiis taariikhi ah oo dhex mari doona dalalka Suuriya iyo Israa’iil, kaas oo lagu wado in lagu saxeexo magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegeen, heshiiskan waxa gadhwadeen ka ah dawladda Maraykanka, gaar ahaan hay’adaha amniga iyo diblumaasiyadda ee Washington, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey si hoose u waday dadaallo lagu dejinayo xiisadaha Bariga Dhexe.
Heshiiskan la filayo ayaa noqon doona mid dhammaystiran, kuna salaysan saddex tiir oo waaweyn: amniga, dhaqaalaha, iyo diblumaasiyadda. Ujeeddadiisu waa in si rasmi ah loo soo afjaro colaad iyo xiisad muddo tobannaan sano ah u dhexaysay Dimishiq iyo Tel Aviv, isla markaana loo furo bog cusub oo ku dhisan dan-wadaag iyo iskaashi.

Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska lagu wado in lagu daro waxa ka mid ah in Israa’iil si buuxda u joojiso is-fidinta militari ee ay ka waddo gudaha dhulka Suuriya, gaar ahaan meelaha xuduudaha u dhow iyo deegaannada muranka ka taagan yahay. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah soo celinta kalsoonida labada dhinac iyo yaraynta cabsi amni oo muddo dheer taagnayd.
Sidoo kale, heshiisku wuxuu dhigayaa in Israa’iil ay safaarad rasmi ah ka furato magaalada Dimishiq, taas oo macnaheedu yahay in la bilaabayo xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah markii ugu horraysay tan iyo markii la aasaasay Israa’iil. Arrintani waa isbeddel weyn oo ka baxsan mowqifkii adkaa ee Suuriya ka haysatay aqoonsiga Israa’iil tan iyo 1948-kii.
Dhinaca horumarka, labada dal ayaa lagu wadaa inay sameeyaan iskaashi dhaqaale iyo mid horumarineed, gaar ahaan deegaannada xuduudaha u ah labada dhinac, si loo dhiirrigeliyo ganacsiga, kaabayaasha, iyo fursadaha shaqo-abuurka. Tani waxay qayb ka noqonaysaa dadaal ballaadhan oo lagu doonayo in colaadaha lagu beddelo horumar iyo wada-noolaansho.
Qodob kale oo xasaasi ah ayaa ah in la dhisayo iskaashi amni oo buuxa, kaas oo labada dhinac si wadajir ah uga hortagayaan cid kasta ama koox kasta oo khatar ku ah danaha amni ee Suuriya iyo Israa’iil. Tani waxay si gaar ah u saamayn kartaa kooxaha hubaysan iyo faragelinta quwadaha kale ee gobolka.
Haddii heshiiskan la hirgeliyo, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee ka dhaca Bariga Dhexe sanadihii u dambeeyey, isaga oo muujinaya in xitaa dalal muddo dheer colaad ku jiray ay danaha istiraatiijiga ah ku mideyn karaan heshiisyo nabadeed. Waxa kale oo uu xoojinayaa doorka Maraykanka ee diblumaasiyadda gobolka, isla markaana beddelaya khariidadda siyaasadeed ee Bariga Dhexe.



