top of page

Madaxweynaha Israel Oo Booqasho Istiraatiiji Ah Ku Tegay Itoobiya Iyo Saddexda Qodob Ee Uu Xambaarsan Yahay

Madaxweynaha dalka Israel, Isaac Herzog, ayaa saaka oo Arbaco ah, 25-ka bisha February, booqasho rasmi ah oo heer qaran ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Magaaladan ayaa bishan gudaheeda isu beddeshay xudunta diblomaasiyadda qaaradda Afrika, iyadoo martigelisay saddex hoggaamiye oo caalami ah muddo saddex toddobaad oo keliya gudahood ah.


Madaxweyne Herzog oo ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Bole International Airport ayaa waxaa si diirran oo habmaamuus sare leh u soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dr. Gedion Timotheos, Wasiiru-dowlaha Berhanu Tsegaye, iyo Safiirka Israel u fadhiya Itoobiya, Dr. Abraham Negussie.


Cover art depicting Ahmed Abiy meets Isaac Herzog president of israel and erdogan upset in the background

Soo dhaweynta kadib, Madaxweyne Herzog ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda isbedbedelaysa ee gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dhinac. Raysal Wasaare Abiy ayaa dhankiisa kulankan ku tilmaamay mid dhaxalgal ah oo si furan loogu gorfeeyay danaha wadaagga ah ee Tel Aviv iyo Addis Ababa.


Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in safarkan aanu ahayn mid ku kooban is-arag dublamaasiyadeed oo caadi ah. Sida lagu daabacay warbixin ay baahisay warbaahinta Al Jazeera, socdaalka Madaxweyne Herzog waxa uu si gaar ah u daarran yahay saddex arrimood oo istiraatiiji ah oo kala ah:


1. Tirtiridda Raadkii Iyo Saameyntii Erdogan

Socdaalka Herzog ayaa si ula kac ah loo muddeeyay maalmo un kadib markii uu Itoobiya cagta soo dhigay Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Xukuumadda Israel ayaa si weyn u dareensan in Turkigu uu wado olole uu ku doonayo in uu xidhiidh milatari iyo mid dhaqaale oo xooggan lala yeesho Itoobiya, si uu saameyn buuxda ugu yeesho Geeska Afrika. Israel waxa ay u aragtaa in ay lagama maarmaan tahay in ay ka hortagto isku fidintaas, iyadoo u xaqiijinaysa xukuumadda Addis Ababa in Tel Aviv ay tahay xulafada ugu awoodda badan uguna la isku halleyn karo.


2. Difaacidda Aqoonsiga Somaliland

Israel ayaa dhowaan qaadatay go'aan taariikhi ah oo ay ku noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Tallaabadan oo gilgishay siyaasadda gobolka ayay Israel hadda doonaysaa in ay u hesho garab iyo taageero xooggan. Xukuumadda Tel Aviv waxa ay xoogga saaraysaa sidii ay Itoobiya ugu qancin lahayd in ay qayb ka noqoto isbahaysigan cusub. Ujeeddada ugu weyn ee safarkan ayaa ah in la tirtiro lana hor istaago isku day kasta oo Itoobiya ay ku qaadan karto go'aan ay kaga hor imanayso aqoonsiga Somaliland, iyadoo la abuurayo is-faham dhex mara saddexda dhinac.


3. Biyo-xidheenka Nile Iyo Helitaanka Marin Badeedka Badda Cas

Qodobka saddexaad oo ah kan ugu miisaanka culus dhanka dhaqaalaha iyo amniga ayaa salka ku haya kheyraadka biyaha iyo badda. Israel oo hore taageero farsamo iyo mid siyaasadeedba u siisay Itoobiya xilligii la dhisayay Biyo-xidheenka weyn ee laga dul dhisay Webiga Nile (GERD), ayaa hadda soo bandhigtay qorsheyaal horleh. Tel Aviv ayaa doonaysa in ay Itoobiya ka caawiso teknoolojiyadda casriga ah ee koronto xaddi badan looga dhalin karo biyo-xidheenkan. Sidoo kale, Israel waxa ay Itoobiya ku dhiirrigelinaysaa isla markaana ay ka taageeraysaa qorsheheeda fog ee ay ku raadinayso in ay hesho marin badeed toos ah oo geynaya Badda Cas, arrintaas oo muhiim u ah in Itoobiya ay ku xidhanto ganacsiga dunida inteeda kale.


Isku soo wada duuboo, safarka Madaxweyne Herzog waxa uu caddeyn u yahay in gobolka Geeska Afrika uu marayo xilli kala guur ah oo ay quwadaha caalamku si toos ah isugu hardiyayaan. Xidhiidhka cusub ee qaabaysan ee u dhexayn doona Israel, Itoobiya iyo Somaliland ayaa la filayaa in uu waji cusub u yeelo khariidadda siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Afrika sannadaha soo socda.

bottom of page