Diyaarad Siday In Ka Badan 30 Xildhibaan Oo Laga Soo Celiyay Hawada Puntland Iyo Cambaarayn Xooggan
- Gallaydh News Desk

- Mar 2
- 3 min read
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland ayaa galay marxalad cusub oo halis ah. Arrintan ayaa dhalatay kadib markii diyaarad siday in ka badan 30 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo ku wajahnayd magaalada Garowe lagu qasbay in ay dib ugu soo laabato caasimadda Muqdisho xilli ay hawada ku jirtay.
Xildhibaanadan oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa u safrayay Garowe si ay uga qayb galaan shir wadatashi ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Shirkan oo la qorsheynayay in uu qabsoomo maalinta xigta ayaa diiradda lagu saarayay xaaladda siyaasadeed ee dalka ee xilligan la joogo. Tallaabadan lagu celiyay diyaaradda ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro amar lala yaabay oo kasoo baxay Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, kaas oo faraya hay'adaha ammaanka in xildhibaanada iyo wasiirada xukuumaddu aysan ka bixi karin dalka iyo caasimadda. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta dhabta ah ee xanibaadan dhalisay xilligan xasaasiga ah.

Falcelinta Xildhibaanada Iyo Xayiraadda Xalane
Xubnaha baarlamaanka ee xayiraaddu saameysay ayaa tallaabadan ku tilmaamay xadgudub qaawan oo ka dhan ah xaquuqdooda dastuuriga ah iyo xasaanaddooda baarlamaan. Waxay sheegeen in go'aankani uu yahay faragelin siyaasadeed oo si ula kac ah loogu diidayo in ay tagaan deegaan doorashadooda si ay bulshadooda u metelaan.
Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka mid ahaa xildhibaanadii hawada laga soo celiyay ayaa bixiyay faahfaahin naxdin leh isaga oo yidhi,
"Xalane ayaan ku xiranahay, dhaqdhaqaaqayagii oo dhan waa la joojiyey, Madaxweyne Xasana ma fasaxayo ayuu yiri markii loo tagay."
Hadalkan ayaa si weyn u muujinaya in amarka ugu dambeeya ee socdaal diidka ah uu salka ku hayo madaxtooyada dalka.
Jawaabta Adag Ee Puntland Iyo Madaxweyne Deni
Dhacdadan ayaa si degdeg ah u dhalisay falcelin adag oo ka timid maamulka Puntland. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa soo saartay amar ay shaqada kaga joojinayso shirkadda diyaaradaha ee Daallo Airlines dhammaan garoomada ku yaalla deegaanadeeda. Wasaaraddu waxay shirkadda ku eedaysay in ay laba jeer khatar gelisay nolosha mas'uuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland ah. Diyaaradda xildhibaanada la soo celiyay siday ayaa ahayd isla diyaaradda Daallo Airlines oo aan weli wax war ah kasoo saarin shaqo ka joojinta lagu sameeyay.
Dhinaca kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay waddo tallaabooyin sii hurinaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee dalka. Wuxuu xusay in la gaaray heer aan la tixgelin wax sharci iyo xeer midna, isaga oo xaaladda xildhibaanada lagu celiyay Muqdisho ku tilmaamay "afduub siyaasadeed."
Madaxweyne Deni waxa uu si adag u yiri, "Haddii ay dhacdo in muwaadiniin la afduubo, arrintaas siyaabo kale ayaa looga jawaabayaa. Bulshada lagu xadgudbayo waa in laga bixiyo jawaab degdeg ah. Marka aan gudbino dacwadaha rasmiga ah, waxaan dalban doonaa magdhowga iyo khasaarihii ka dhashay falkaas."
Wuxuu dowladda ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo xildhibaanada lagana waantoobo tallaabooyinka sii kala fogeynaya dowladda iyo bulshada.
Cambaaraynta Mucaaradka Iyo Siyaasiyiinta
Abaabulka siyaasadeed ee looga soo horjeedo falkan ayaa sidoo kale ka dhex bilowday mucaaradka Muqdisho. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war saxaafadeed kulul soo saaray, kaas oo ay ku cambaareeyeen falkan ay ku eedeeyeen in uu si toos ah u bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xoghayaha Guud ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Dr. Maxamed Aadan Koofi ayaa tallaabadan ku sifeeyay mid sharci darro ah oo halis keeni karta.
Wuxuu yidhi, "Waxaan si xooggan u cambaaraynayaa falka maanta lagula kacay xildhibaanada qaranka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Puntland. Diyaaraddii ay la socdeen in laga hor istaago safarkeeda waxay halis gelin kartaa badqabkooda."
Waxa uu dowladda ugu baaqay in la ixtiraamo xorriyadda isku socodka ee xildhibaanada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.
Goluhu wuxuu ku tilmaamay amarkan awood maroorsi baal marsan mabda'a kala soocida awoodaha dowladda, isaga oo xusay in ay tahay faragelin toos ah oo ay xukuumaddu (awoodda fulinta) ku samaysay hay'adda sharci dejinta ee baarlamaanka. Waxay si gaar ah uga digeen in Hay'adda Duulista Rayidka oo shaqadeedu tahay sugidda badqabka iyo nidaaminta hawada loo adeegsado hub siyaasadeed iyo cadaadis laga dhan ah ashkhaasta aaraada ku kala duwan.
Dulucda Siyaasadeed Ee Arrintan Ka Dambaysa
Dhaqdhaqaaqan iyo cabudhinta dhanka hawada ah ayaa imanaya xilli khilaaf salku ku hayo wax ka beddelka dastuurka, awood qaybsiga iyo hannaanka doorashooyinka 2026 uu ka dhex oogan yahay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland. Puntland ayaa horey u qaadday tallaabooyin ay isaga taageyso go'aanada Muqdisho iyada oo ku eedaysay dowladda dhexe in ay isku koobayso awoodda dalka ayna jabinayso heshiisyadii hore loo galay.
Dhacdadani waxay si cad u iftiiminaysaa sida hawada, dhaqdhaqaaqa duulimaadyada iyo xorriyadda socdaalku u noqdeen furimaha cusub ee dagaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, arrintaas oo si weyn khatar ugu ah xasilloonida jilicsan ee dalka iyo geedi socodka dowlad dhiska. Dowladda Federaalka ayaan wali wax war ah oo rasmi ah ka soo saarin eedeymaha loo jeediyay ee ah in ay iyadu bixisay amarka siyaasadeysan ee diyaaradda lagu soo celiyay.


