top of page

Sudan & Pakistan: Heshiis Hub Oo $1.5 Bilyan Ah

Updated: Jan 18

Sudan ayaa dhawaan saxiixaysa heshiis hub oo lagu qiimeeyay $1.5 bilyan oo ay kala saxiixanayaan Pakistan, taasoo qayb ka noqon karta istiraatiijiyadda milatari ee dagaalka sokeeye ee dalka ka socda.


Sudan, oo muddo ka badan labo sano iyo badh ku jirtay dagaal sokeeye u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka ee ay hoggaamiyo Abdel Fattah al-Burhan iyo kooxda ciidamadda madaniga ah ee Rapid Support Forces (RSF), ayaa ku hawlan heshiis hub oo ballaaran oo ay la gashay Pakistan si ay u xoojiso awooddeenna milatari. Sida ay warbixinnada caalamiga ah sheegayaan, heshiiskan ayaa lagu qiyaasaa inuu gaarayo 1.5 bilyan oo doollarĀ isla markaana uu ka mid yahay heshiisyada ugu waaweyn ee Sudan ku dhigan jirtay dhinaca hubka iyo diyaaradaha dagaalka.


Sudan Pakistan Arms deal, al burhan

Waxyaabaha Ku Jira Heshiiska

Warbixino ay bixiyeen ilo-wareedyo sir ah ayaa tilmaamaya in heshiisku uu ka koobnaan doono:

  • 10 diyaaradood oo K-8 Karakoram ahĀ oo ah nooc diyaarado duqeyn iyo tababar ah

  • In ka badan 200 dronesĀ oo loogu talagalay howlgallada basaasidda iyo weerarada

  • Nidaamyo difaac cirka ah oo horumarsan

  • Diyaaradaha tababarka Super Mushshak

  • Waxaa Suurtagal ah in heshiiska lagu daro diyaaradaha dagaalka JF-17Ā ee Pakistan iyo Shiinaha iska kaashadeen soo saaristooda.


Qodobadaasi ayaa loogu talagalay in ay si weyn u xoojiyaan awooda Ciidanka Xoogga Dalka ee Sudan, gaar ahaan xilli uu dagaalka gudaha u baahan yahay awood muuqata oo cirka ah. Waxaana la rumaysan yahay in qalabka noocan ah uu ka caawin karo ciidamada dowladda inay dib u helaan awooddii cirka ee ay lumiyeen tan iyo markii dagaalka bilowday.


Dagaalka Sokeeye ee Sudan & Baahida Hubka

Dagaalka sokeeye ee Sudan ayaa bilowday Abriil 2023, waxaana uu ku biiqmay mid ka mid ah khilaafaadka ugu xun ee Afrika, taasoo dad badan ku barakiciyeen gurigoodii islamarkaana sababay burbur dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo oo ba’an. Dhinaca kale, kooxaha RSF ayaa adeegsaday drones iyo qalab casri ah oo ay sheeganayso in ay ka heleen ilo dibadda ah, taasoo iyaduna sii adkatay xaaladda dagaal ee gudaha.


Siyaasad ahaan, heshiiskan hubka ah ee Pakistan iyo Sudan waxa uu muujinayaa sida ay kooxda milatari ee Burhan ay u raadinayso in ay ku sii jirto awoodda, iyadoo la kaashanayso aduunka dibaddiisa si ay u porotesho awooda cadaadiska ee ka dhanka ah RSF. Heshiiskan ayaa sidoo kale qayb ka ah isbeddel weyn oo ku jira suuqyada hubka caalamiga ah, halkaas oo dalal sida Pakistan ay bilawday inay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan bixinta qalabka difaaca, gaar ahaan marka suuqyada dhaqameed ee reer Galbeedka ay sii adkaystaan shuruudaha siyaasadeed ee keenaya in aanay si toos ah ugu iibin hub badan qaar ka mid ah dalalka colaadaha ku jira.


Saameynta Caalamiga ah & Doorka Sucuudiga

Warbixinno dheeraad ah ayaa tilmaamaya in heshiiskan uu sidoo kale helay taageero ay ka mid yihiin dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga oo ay wadaagaan heshiis difaac oo istiraatiiji ah oo ay Pakistan la leedahay (Strategic Mutual Defence Agreement) taas oo xoojineysa iskaashiga dhinaca amniga ee gobolka. Taageeradan ayaa laga fahmi karaa in lagu doonayo in la mideeyo awoodaha milatari ee waddamada Muslimka si looga hortago faragelinta dhinacyada kale ee caalamiga ah.


Caqabadaha & Su’aalaha Ku Xeeran

In kasta oo heshiiskan uu taageero weyn ka helayo dhinacyada qaarkood, haddana waxaa jira su’aalo la iska weydiinayo sida Sudan ay u maareyn doonto bixinta amaahda hubka, maadaama waqtigan uu dalku wajahayo burbur dhaqaale oo ba’an iyo barakac bulsho. Waxaa kaloo jira walaac caalami ah oo ku saabsan in qalabkan casriga uu sii hurin karo colaadihii ilaa hadda ka socday dalkaasi, taasoo horseedi karta sii kordhinta dhibaatada dadweynaha rayidka ah.


Gunaanad

Heshiiska hubka ee Pakistan iyo Sudan ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo ku socda dagaalka sokeeye ee dalka Sudan iyo sida ay dalalka caalamku uga qayb qaadanayaan qaababka milatari ee colaaddaas. Iyadoo hubkaan uu Sudan siin karo taageero cusub oo milatari, haddana waxa uu sidoo kale kicinayaa dood ku saabsan sida loo xallin karo colaadda gudaha ee dalkaasi iyadoo la ilaalinayo xuquuqda bini’aadanka iyo ka hortagga burbur kale oo ba’an.


bottom of page