Hungary 'Veto' Ku Hor-istaagtay Dayn €90 Bilyan Ah Oo Loo Qoondeeyay Ukraine
- Gallaydh News Desk

- Feb 25
- 3 min read
Xukuumadda Budapest ayaa adeegsatay 'Codka Diidmada Qayaxan' (Double Veto) si ay u joojiso xidhmada dhaqaale iyo cunaqabataynta cusub ee Ruushka, iyadoo ku eedaysay Ukraine inay jaratay dhuumaha shidaalka ee dalkeedu ku tiirsan yahay.
Dawladda Hungari ayaa markale gilgishay midnimada Midowga Yurub kadib markii ay adeegsatay awooddeeda diidmada qayaxan (Veto), iyadoo hor-istaagtay dayn lacageed oo dhan €90 bilyan oo Yuuro oo loogu talo galay in lagu kabo dhaqaalaha iyo milatariga Ukraine. Tallaabadan oo ku soo beegantay sannad-guuradii afraad ee ka soo wareegtay markii Ruushku duulaanka ku qaaday Ukraine, ayaa muujinaysa kala qaybsanaanta ba'an ee ka dhex aloosan waddamada reer Yurub iyo saamaynta siyaasadda Viktor Orbán.

Go'aanka Hungari waxa uu ahaa mid qorshaysan oo loo yaqaanno "Double Veto" ama diidmo laba geesood ah. Ra'iisul Wasaare Viktor Orbán iyo xukuumaddiisu ma ay diidin oo kaliya xidhmada daynta ee €90-ka bilyan ah, balse waxay sidoo kale hor-istaageen xidhmadii 20-aad ee cunaqabataynta Midowga Yurub uu saari lahaa Ruushka.
Falkani waxa uu curyaamiyay labadii hub ee ugu waaweynaa ee Midowga Yurub doonayay inuu ku wajaho Ruushka sannadkan:
Dhaqaale: Joojinta lacagtaas waxay toos u saamaynaysaa awoodda Ukraine ee bixinta mushaharka ciidanka iyo soo iibsiga hubka, xilli ay wajahayso weeraro culus.
Siyaasad: Diidmada cunaqabataynta waxay wiiqaysaa cadaadiska dhaqaale ee la saarayo Moscow, taas oo u muuqata guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Vladimir Putin.
Sababaha Rasmiga Ah Iyo Eeda Shidaalka
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hungari, Péter Szijjártó, ayaa ku tilmaamay sababta diidmadooda mid la xidhiidha "baad" (blackmail) ay Ukraine kula kacday dalkiisa. Hungari waxay ku dooday in Ukraine ay si ula kac ah u joojisay shidaalkii uga iman jiray Ruushka ee soo marayay dhuumaha Druzhba (Dhuumaha Saaxiibtinimada).
Inkasta oo Ukraine ay sheegtay in dhuumahaas ay waxyeelo ka soo gaadhay duqaymaha Ruushka, haddana Budapest waxay ku adkaysanaysaa in Kyiv ay arrintan u samaysay si ay u curyaamiso dhaqaalaha Hungari oo aad ugu tiirsan tamarta Ruushka.
Orbán ayaa arrintan u adeegsaday marmarsiinyo uu ku xanibo dhammaan kaalmadii Yurub, isaga oo leh, "Ma ogolaan karno in nalagu qasbo go'aamo dhaawacaya danteena qaran."
Xidhiidhka Orbán iyo Putin: Isbahaysi Ka Dhex Jira Yurub
Go'aankan kama madna xidhiidhka dhow ee ka dhexeeya Viktor Orbán iyo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin. Orbán ayaa ah hoggaamiyaha kaliya ee Midowga Yurub ee weli xidhiidh toos ah iyo mid ganacsi la leh Kremlin-ka.
Danta Tamarta: Hungari waxay heshiisyo gaar ah oo dhanka tamarta ah (Gaas iyo Shidaal) la gashay Ruushka, kuwaas oo u ogolaanaya inay ku hesho qiimo jaban marka loo eego dalalka kale ee Yurub.
Aragtida Dagaalka: Orbán waxa uu marar badan ku celceliyay in Ukraine "aanay dagaalkan ku guulaysan karin," isaga oo u arka in taageerada Reer Galbeedku ay kaliya sii dheeraynayso dhibaatada halkii ay xal keeni lahayd. Veto-gani waa farriin cad oo muujinaysa in Budapest ay diyaar u tahay inay ilaaliso xidhiidhka ay la leedahay Moscow, xitaa haddii ay go'doon siyaasadeed ka gasho Brussels.
Falcelinta Ursula von der Leyen Iyo Madaxda Yurub
Go'aankan lama filaanka ah ayaa gabi ahaanba ka cadhaysiiyay madaxda waddamada Midowga Yurub iyo masuuliyiinta sarsare ee Brussels, kuwaas oo isku diyaarinayay in ay Kyiv ugu bishaareeyaan taageeradan xuska sannad-guurada afraad ee dagaalka.
Ursula von der Leyen: Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub ayaa si adag uga hortimid falkan iyadoo sheegtay in madaxda Yurub ay horay go'aankan isku raaceen.
Waxa ay si cad u tidhi, "Madaxdu way bixiyeen ballanqaadkooda. Ballantaasina waa mid aan la jabin karin."
Von der Leyen waxa ay wacad ku martay in dayntan la gaadhsiin doono Ukraine "si kasta oo ay ahaataba," iyada oo xuseysa in la raadin doono dariiqyo sharci oo kale si loo hareermaro diidmada Hungari.
Falcelinta Dalalka Xubnaha Ah: Wadamada kale ee Yurub ayaa muujiyay cadho xoogan. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Poland, Radosław Sikorski, ayaa sheegay in uu la amakaagay falkan, isaga oo xasuusiyay Hungari in iyadaba uu Midowgii Soofiyeeti ku duulay sannadkii 1956, waxaanu filayay in ay muujiyaan garab istaag ka weyn kan ay hadda muujiyeen. Ra'iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa isna ku tilmaamay go'aanka Hungari mid ah "Qas siyaasadeed iyo curyaamin ula kac ah." Sidoo kale, Madaxweynaha Golaha Yurub António Costa ayaa sheegay in falkani uu baalmarsan yahay shuruucda iskaashiga daacadda ah ee Midowga Yurub



